|
|||||
WAJAALE NEWS
Sagaal qof oo isugu jira Askar Boolis ah oo qaar saraakiil yihiin kana mid yahay taliyihii Booliska ee Garoonka Diyaarada Burco Seddex Cisho Xidhan.
August 13, 2014 - Written by Wariye:Burco(wajaalenews):-Sagaal qof oo isugu jira Askar Boolis ah oo qaar saraakiil yihiin kana mid yahay taliyihii Booliska ee Garoonka Diyaarada Burco iyo muwaadiniin kale oo ku jira Guryaha Booliska ee Magaalada Burco ayaa habeenkii sadexaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee Burco ka dib markii Ciidankan iyo xubnahan kale ay ka hadleen saxaafada ,markii ay ku war heleen in la iibinayo Guryaha Booliska iyo laba goobood oo kale oo kala ah Golaha xaafadii sheekh bashiir iyo Dugsi hoose ee Siyaad oo hada ay ku jiraan ganacsato ka dhigtay bacadlayaal,saraakiishan Booliska ah iyo Xubnahan kale ayaa ku Baraarugay uun dhawr casho ka hor markii uu badhasaabka Togdheer , maayarka Burco Xubno Xildhibaanada Golaha Degaanka ah ay ka hadleen Goobo ay ka dagax dhigayeen Garoomo baaskit oo ay sheegeen in iibinayo sadexdaas Meelood isla markaana ay wadooyin ku dhisayaan iyagoo,waxaanay sheegeen in dhulkan danta guud ah lagu iibinayo Digreeto Madaxwaynu oo ku fasaxay,dadkan xidhan oo magacyadoodu kala yihiin, Ismaaciil Yuusuf Cabaas oo ah Taliyaha Garoonka Diyaarada ee Burco,Saalax Aw nuux- askari,Maxamed Deeq -Askari,C/risaaq Aadan -Askari,sekeriye Axmed -Askari,Maxamed Cabdi Axmed -askari,Ina faje Askari,Aamina Axmed- iyo Xuseen Axmed Gaas oo ah shicib,sida uu ii sheegay mid ka mid ah saraakiisha Booliska waxa amarkooda soo bixiyay Jananka Booliska Somaliland Fadal,lamana oga talaabada uu ka qaadi doono, Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|