Ra’isal Wasaaraha Turkiga Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxweynanimada Ee Dalkaasi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra’isal Wasaaraha Turkiga Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxweynanimada Ee Dalkaasi.
August 11, 2014 - Written by Wariye:

Natiijadan ayaa muujinaysa in Erdogan uu si dhibyar uga guulaystay musharaxa ku soo xigay oo ahaa madaxii hore ee ururka iskaashiga ee dalalka islaamka Mr Ekmeleddin Ihsanoglu.

Ra’isal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guulaystay doorashadii madaxweynanimada ee dalkaasi.

Doorashadan ayaa ahayd tii ugu horaysay ee taariikhada dalkaasi oo dadweynaha fursad u siisay inay toos u soo doortaan madaxweynaha dalka

Guddiga doorashooyinka ee dawlka Turkiga ayaa sheegay in la tiriyay qiyaastii dhammaan codadkii doorshada  isla markaana ay natiijada hordhaca ah ay muujinayso inuu guulaystay Mr Erdogan.

Natiijadan ayaa muujinaysa in Erdogan uu si dhibyar uga guulaystay musharaxa ku soo xigay oo ahaa madaxii hore ee ururka iskaashiga ee dalalka islaamka Mr Ekmeleddin Ihsanoglu.

Erdogan ayaa noqon doona madaxweynaha cusub ee Turkiga shanta sano ee soo socota .

Hargaysa Office
wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS