QORAALADA BEEN ABUURKA AH IYO QARDO-JEEXA TEBIYAHA,LABA AAN I WADA QABAN!! W/Q:Sacad Maxamuud (Gadhle) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
QORAALADA BEEN ABUURKA AH IYO QARDO-JEEXA TEBIYAHA,LABA AAN I WADA QABAN!! W/Q:Sacad Maxamuud (Gadhle)
August 3, 2014 - Written by Editor:

Sacad
Waa qalin sugan,oo si sax ah farta ugu fiiqi doona qoraalo habowsan,oo xaqiiqada ka fog,marar badana qas iyo jahawareer galiya wararka ay hamuunta u qabaan bulsho-weynta somaliland,tebiyayaasha qoraaladan been-abuurka ayaa u muuqda qaar ujeedada kaliya ee ay ka leeyihiin ay tahay in lagu xajiimeeyo masuuliyiinta iyo madaxda qarranka somaliland, sidoo kale qorayaasha maqaaladan ayaa u eeg qaadaa-ma- dhargeyaal caadaystay been-abuurka ishooduna ayna libiqsan. kana qaloonin qoraalada been abuurka ah qalin-maalkana shaasheeyay.
dhaqanadan ayaa lagu tilmaami karaa maah-maahda odhanaysa:” Waraabe naftiisana uma roona naf kalena uma roona”.
soo saarayaasha qoraaladana been abuurka ah ayaa mararka qaarkood si farshaxanimo leh loo qoraa oo qofkii akhriyana lagu qaldi karaa, kuwaasi oo lagu baahiyo qaar ka mid ah shabakadaha barta internetka wararka ku gudbiya.
intaasi kadib hadaan u soo gonda dago dulucda maqaalkaygan kooban: akhriste!, ka bogo falanqayntii iyo murtidii QURBE-jOOG IYO QODAAL-JOOG:

QURBE-jOOG:
waligaa qalinkeenu
muu daboolka ka qaadey
qoraal aan sal lahaynoo
qalin-maalka sadheeyay

QODAAL-JOOG:
Maanta kuu qarin maayee
doqon baa qurux Moodey
Qaladkuu u badheedhay
QURBE-jOOG:
Qodaalow Abna-waaska
Markii aan Qaladkiisa
Qaradiisa la Yaabay
Qalinkaa Ka Dacwoodey
Qareen baa u Hadlaaya
Xeerka qeexi yaqaana
QODAAL-JOOG:
Doqonkaa Qasdigiisu
Qoraal beena ahaadey
Ha ka dhamo qadhaadhkee
Qodob Xeerku SHeegiyo
SHarcigaa Qaban doona
QURBE-jOOG:
Doqonkaa qadi-maaya
fikirkiisa qalooca
qorshihiisa ma sheegay??
QODAAL-JOOG:
ninka beenta qorayaa
qorshihiisa kuma darin
inay been qadhaadh tahay
qodaxdeedu badan tahay
qoraaguna u nugul yahay
SHaraftana ka qaadoo
Qaawisa warkiisoo
shaashaysa qalin-maal

QURBE-jOOG:
kuwan beenta qubayaa
qabiilkooga hoosiyo
qoladooda ii sheeg?

QODAAL-JOOG:
waa qolo u taba baran
qoritaanka beentoo
waa qaraabo goysoo
qabiilkooga hoosiyo
qoyskaa giriifoo
qaadhaan ma bixiyaaan!

QURBE-jOOG:
Qoraagii fikirkiisa
wadankiisa u quudha
quman ee na tilmaama,
isagoon qardo-jeexin
rayi qaaliya dhiibta
qun-yar sheega dhaliisha
qindigaygaba weeyoo
qormadiisa ma hiifo

,,,,,,,,,,, la soco qaybaha dambe iyo dib u curashadii qalinka ,,,,,

Qalinkii : Sacad Xaaji Maxamuud(Gadhle)
Gabiley
somaliland

COMMENTS
LINKS