Naadiga SOMALI PEN Oo Ka Deyriyay Xaaladda Somaliland, Baaqna U Diray Dhallinyarada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Naadiga SOMALI PEN Oo Ka Deyriyay Xaaladda Somaliland, Baaqna U Diray Dhallinyarada.
August 12, 2014 - Written by Wariye:

Waxa aanu hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida

 
 
Naadiga Somali PEN qaybta Somaliland, iyada oo ay berri tahay 12kii Ogos oo sannad walba la xuso maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada adduunka
 
1. Waxa aanu ka xunnahay in ay Dawladda Somaliland illawday xaqa ay dhallinyaradu u leeyihiin in ay u dabbaal-degaan maalintooda, iyo sida ay u duudsiday saamigii ay barbaartu ku lahaayeen hoggaaminta qaranka. Waxa la yaab leh in aanu jirin Wasiir buuxa oo dhallinyaro ahi, waana mid ka mid ah ballama ay ka baxeen Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu.
 
2. Waxa loo baahan yahay kacdoon iyo shirar ay barbaartu talada dalka kula wareegto.. Waa la yaab in

uu weli ina hor fadhiyo nin siddeetan jir ah oo ay ahayd in uu talax-gabo iyo boqol jir aan oggolayn in ay cid kale saami yeelato..
3. Waxa aanu ka xunnahay in ay xukuumaddu gabtay in la weyneeyo maalintan caalamiga ah, iyada oo ka cararaysa in la weydiiyo waxa ay u hagradeen dhallinyarada muwaaddiniinta ah ee tahriibka miciinsaday.. Waxa loo baahan yahay in wax weyn laga qabto hannaanka shaqo-abuurka oo ka badan mid ku go’a kulan hudheel lagu qabto..
4. Waxa aanu si buuxda u taageersannahay axsaabta mucaaridka ah, oo u muuqda kuwo ay ka go’an tahay horumarinta Somaliland iyo guud ahaanna himilada iyo hadafka qoraalka oo ah ka aanu u taagannahay… Xukuumaddu waxa ay qoraayada dhex gelisay siyaasad, looma baahna in lacag lagu bixiyo ammaanta xukuumadda, waxaase ka weyn qarannimada oo u muuqata mid god ku dhacaysa..
 
5. Waxa aanu hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kaalin weyn ka qaatay dhiirrigelinta qoraayada iyo dhallinyarada iyo labadaba. Waxa aanu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqaynnaa in uu ku dayo hormoodka dhallinyarada ah ee Geeska Afrika

 
 
 
 
 
Siciid Maxamuud Gahayr
Somali PEN Office
Hargeysa

COMMENTS
LINKS