Muxuu Ka Yidhi; Cali-Gurey Tallaabada Uu Axmed Cabdi Xaabsade Dib Ugu Goostay Puntland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Ka Yidhi; Cali-Gurey Tallaabada Uu Axmed Cabdi Xaabsade Dib Ugu Goostay Puntland
August 11, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)- Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Ayaa Markii U Horeysay ka hadlay tallaabada uu la taliyihii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha Doorashooyinka iyo Xisbiyada Mr. Axmed Cabdi Xaabsade dib ugu goostay Maamul goboleedka Puntland.

GAAS-IYO-XAABSADE-

Cali-Gurey oo Qoraal kooban oo ku saabsan Arrintan ku daabacay bogga uu ku leeyahay degelka Xidhiidhka bulshada ee Facebook ayaa sheegay in goosashada xaabsade ay dani keentay.

Qoraalkaas oo koobanna waxa uu u dhignaa sidan: “Xaabsade in dib uu Puntland ugu noqdo dan baa tidhi. Anigu lama yaabani waayo waxa la yidhi “nin rag ah tag lama yidhaa ee wax uu ku tago ayaa la tusaa”.

Xaabsade wax uu ku tago waa la tusay rag kalena way jiraan,ay tegi in kale se mooyi.Run iyo been mid ay tahay ma hubo laakiin Fuad Aden Cade oo 23 sanadood mar keliya Somaliland ka tegin waa la sheegayaa. Haddii ay run tahay sheekadu waa ka waawayn, Somaliland bal intii maqnayd daaye intii wada joogtay, malaha waa sida la rabo eh, miyaanay kala dhaqaaq ahayn.Waxa la yidhi rag seddex baa ugu liita:

• Nin jooga oon la tirsan

• Nin maqan oon la tebin

• Iyo nin tegaya oon la oolin

Alla ha u naxariistee Faarax Nuur Ayaa laga hayaa ‘ Rag Kaa faqay, rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay, meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco”

Ayuu qoraalkiisa ku soo gebogabeeyey Muj. Cali Gurey

COMMENTS
LINKS