Muj: Cali Guray oo Ka Hadlay Arinta Saax-dheer. iyo Cagli xumada keentay Qaarka Tirsan Dawlada Somaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj: Cali Guray oo Ka Hadlay Arinta Saax-dheer. iyo Cagli xumada keentay Qaarka Tirsan Dawlada Somaliya
August 28, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Gudoomiye ku-xigeenka sadexaad ee xisbig Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay dagaalka ay ciidanka qaranka somaliland saaka ku qaadeen deegaanka Saaxdheer oo ay ka socotay munaasibad la sheegay in lagu caleemo saarayey madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

Mujaahid Cali Guray oo qoraal uu arinta kaga hadlayo soo dhigay boga uu ku leeyahay Face-book ayaa sheegay in ay ahayd in mar hore talaabo lagga qaaddo. Waxanu qoraalkiisa ku yidhi “Saaka waxa la leeyahay Saax Dheer iyo wufuudii Muqdisho uga timi caleema saarka Cali Khaliif ba Ciidanka Qaranka ayaa kabaha la dul maray, Maxaa koofiyad iyo cimaamada dulaysa Maxaa firxad yaacaya oo leh i bixiyow i bixi?. Walawayn caqli xumaa meesha Dhulbahantaa laga warwareegayaye ma xukuumadda Muqdisho ayaa la ogolaan karaa inay maamul goboleed Somaliya ah ka dhex dhistaan Somaliland, In kasta oy ahayd inay digniino hore bixiso hadana anigu tan ku eedayn maayo xukuumadda maxay gacamaha uga laaban wayday ee isaga daawan wayday. In kasta oon ilaa hadda waxba kala cadayn hadana waan ka xmahay wixii dhimasho iyo dhaawac ah hadii ay jiraan. Wixii aan Somaliland ahayn ee halkaa yimidna waxan u arkaa inay faduul galeen iyaga oo uga jeeda ku xumee Somaliland, halka mar walba aan u arko khilaafka Somaliland iyo khaatumo na khilaaf Somaliland dhexdeeda ah oo u baahan in caqli lagu maareeyo een gacan ka hadal lagu deyin”. Ayuu qoraalkiisa ku yidhi gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray)

COMMENTS
LINKS