Daawo; Mo Farah Oo Ku Guuleystay Orodka 10,000 Ee Mitir (video+sawiro) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo; Mo Farah Oo Ku Guuleystay Orodka 10,000 Ee Mitir (video+sawiro)
August 13, 2014 - Written by Editor:

LONDON(Wajaalenews0;Tartanka Yurub. Mohamed Farah oo ah orodyahan soomaalilanderka ah ayaa ku guulaystay tartanka orodka Yurub ee 10,000 ee mitir.Mohamed oo u ordayay wadanka England ayaa ku guuleystay kaalinta koowaad. Mohamed farah ayaa markii labaad ku guuleystay orodka 10,000 ee mitir isagoo ku can baxay orodka dhexe ee 5,000 iyo 10,000 ayaa isla caawa mar labaad ku

http://youtu.be/l5V9-Y58u5Q

guuleystay orodkan oo ahaa mid yurub oo dhan ay ka soo wada qaybgaleen isagoo mo farahna uu u ordaayey ama uu kaga soo qab galay wadanka England iyadoo uu ku wehelinaayey wiilka ay saaxiibka yihiin ee ay isku wadanka u wada ordayeen ee Briton andy vertnon iyagoo ordkan guul ka wada gaadhay isagoo sxbkii uu galay kaalinta lixaad.MO farah

mo farah 4 Dhinaca kale gabadha lagu magacaabo jo pavey oo iyaduna u ordaysay isla wadankan England ayaa iyaduna guul muhiim ah ka soo hoysay iyadoo ku guulaysatay orodka gabdhaha ee 10,000 ee mitir iyadoo gashay kaalinta koowaad qaadatayna bilada dahabka ah. Wadankan UK ayaa imika kor u soo kacay dhinaca orodada ilaa iyo sanado badan isagoo ka maqnaa iyadoo lagaga wanaagsanaa dhinaca orodka ayaa imika waxaad moodaa in uu suuqa orodku u furan yaahay wadanka England iyagoo imika ah wadanka koowaad ee aduunka manta haysta dhinaca orodada .

wixii warar sports ah kala soco shabakada wararka ee wajaalenews.net

WAJAALENEWS DESK

Diyaariye Maxamed Cali Mataan

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS