Maxkamadda darajada koowaad Somaliya oo xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday 13 qof ;Daawo Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda darajada koowaad Somaliya oo xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday 13 qof ;Daawo Sawiro
August 20, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews);Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa xukuno dil iyo xabsi daa’in ah ku ridday maanta 13 qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo horay xukunno ay ugu ridday maxkamadda kuna xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar, iyadoo lagu eedeeyay inay xabsiga ku dhex-dileen maxbuus kale.

Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida, C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa warbaahinta u sharraxay xukunka ay maxkamada darajada koowaad ku ridday 13-ka qof, wuxuuna sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, horayna xukunno loogu riday; balse xukunkan labaad uu ku yimid kaddib markii ay xabsiga dhexe gudihiisa ku dileen maxbuus kale oo lagu magacaabi jiray, C/casiis Muxyadiin Hiraabe.

dhalinyaro dil lagu xukumaymaxakmagadhalinyaro dil lagu xukumay 4dhalinyaro dil 3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, Keyse ayaa sheegay in toddoba ka mid ah raggan lagu xukumay dil toogasho ah, lixda kalena lagu xukumay xabsi madaxaa-ha-ku-furto ah, kadib markii markhaatiyaal iyo cadeymo loo helay dambigooda.

“Maxkamaddu waxay xukuno kala duwan ku riddday 13-qof oo Al-shabaab ka tirsanaa, kaddib markii lagu soo eedeeyay inay xabsiga ku dhex dileen maxbuus kula xirnaa oo C/casiis Muxyadiin Hiraabe lagu magacaabi jiray,” ayuu yiri Keyse.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu yiri: “Toddoba ka mid ah raggan waxaa lagu riday xukun dil toogasho ah, lixda kalena waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana eedooda ay maxkamaddu u heshay caddeymo ku filan.”

Ruuxa maxkamadda lagu dhex-dilay ayaa ahaa askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kaasoo u adeegi jiray maxaabiista ku jirta xabsida dhexe ee Muqdisho, waxaana dilkiisa loo sababeynayaa ciidannimadiisa.

Gabagabadii ayuu afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay in xukunka lagu riday raggan ay rafcaan ka qaadan karaan muddo bil gudaheed ah, haddii ay qaadan waayaanna uu sidaas ku dhaqan-galayo.

Arrintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo maxaabiis ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho lagu soo eedeeyo, iyadoo ay maxkamaddu horay ugu fulisay dilal toogasho, xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu eedeeyay inay falal kala duwan ka fuliyeen Muqdisho.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS