Maxaa Inoo Dan Ah?. W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Inoo Dan Ah?. W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad).
August 3, 2014 - Written by Wariye:

Waa qormooyin qofkasta u baahan yahay ,dawlada u baahan tahay, shacab u baahan yahay, muxaafid iyo mucaaridba u baahan yahay.

Marka hore ILAAHAY BAA MAHAD LEH isagoo inoo suuro galiyay in aynu soo gudbino wixii aqoonteena  iyo aragtideena ah intaa ka dib waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha

Waxaan ka hadli doonaa mawduuc muhiima oo ah ina wada quseeya ,dawlada quseeya,shacab,quseeya, haayad quseeya,mucaarid quseeya, muxaafid quseeya, cidkasta iyo muwaadinkastaba quseeya,

Waa qormooyin qofkasta u baahan yahay ,dawlada  u baahan tahay, shacab u baahan yahay,  muxaafid iyo mucaaridba u baahan yahay.

Marka hore waxa aynu

ku bilaabaynaa somaliland waa dawlada tashaday kuna tashatay madaxbanaani,horumar,iyo dimuqraadiyad , waa dawlada doonaysa inay hesho citiraaf caalamiya , iyo horumar la arki karo.

Cidkasta oo somaliland ku abtirsanaysa qof kasta waxbaa u dana  oo dantu waa ay inaga wada dhaxaysaa , qofkastana somaliland danbaa ugu jirta , cidkastaana dalkeeda Hooyo cid ay ka jeceshay ma jirto dantuna waa wixii isku keen keentay, inaga dhigtay dawlada, inaga dhigtay dad is ogol, inga dhigtay dad wax qabsan kara ,dawladna samaysan kara.

Hadaba waxaan uga jeedaa mawduucan xaasaasiga ah dawlada iyo shacabkaba dan bay wada leeyihiin kuwaas oo ah dawlada maxaa u dan ah? Dawlada waxa dan u ah inay bulshada u cadaalad samayso , tustana wadada horumarka iy wax qabsiga runtii dalku wuu korayaa laakin hadana wax badan ayaa inaga maqan ,  oo dadkeenii 75% waa bilaa shaqo, si dhibkaas looga baxo waa in ay dawladu la timaadaa siyaasad cusub oo wax looga qabanayo shaqo, la,aanta dalka ka jirta waxaana suurto gal ah in haddii dalka shaqo abuur laga sameeyo in wax badan is badalayaan oo wax badan hagaagayaan waxaana meesha ka baxaya tahriibkii hadaba sidee ayaa shaqo abuur loo saamayn karaa , shaqo dalka waa ay taalaa laakin waxaan la hayn dadkii qorshayn lahaa sida shaqo loo abuuri lahaa dawlada oo kaliya ayaa waxay abuuri kartaa 10.000 oo shaqo sanadkaliya tusaale ahaan shaqadii dawlada waxa haya dad shacaba oo dalkii iyo dadkiiba ku abuuray nolol adag maxaa yeelay haday dawlada bilawdo ganacsiyo cusub , hoteelo cusub,laydhkii iyo biyihii sidoo kalana ay bilawdo  geerashyadii gaadiidka,dhakhtaradii oo dhamaysa,basaskii gaadiidka,makhaayadihii iyo meelkasta oo ay is leedahay fursad baa ka banaan waxa laga abuuri karaa ganacsi ka jaban kuwa kale dadkiina waxa ay heleyaan nolol jaban oo maanta marka aanay dawladu gacanta ku hayn suuqa alaabtiisa iyo qiimo goyntiisu cidkastaaba sidii ay jeceshay ayay wax ku iibinaysaa markaa haddii ganacsiga dawlada shaqeeyo  wax badan ,badan ayaa is badali lahaa  oo ay ugu horayso nolosha.

BULSHADA MAXAA U DAN AH

Bulshadu waa kuwii sameeyay dawlada waa kuwii abuuray siyaasada waa kuwii doortay hogaanka bulshadu waa dawladii oo aan magacawnayn , bulshadu waxay markasta ka qayb qaadataa horumarka ka socda dalka iyo dadkaba waxay kaalin wayn kaga jiraan horumarka iyo wax qabadka dalka , quruxda magaalooyinka iyo nabada aynu haysano waxa keenay waa bulshada , bulshadu waa dhiiga dawladkasta, sidii ay u  ilaashadaan dawladooda ayay dawladkastaa noqotaa , caalamka aynu arkayno ka bilaw Somalia ama Libya ama bariga Africa waxa baabiiyey waa bulshadii lahayd dalka waa muwaadinkii somaliland wax a maanta heerkan soo gaadhsiiyay waa muwaadinkii iyo dawladii oo wada shaqeeyay.

Markaa waxa bulshada dan u ah  horumarinta dadkooda, dalkooda iyo ilaalinta nabadooda waayo wax kasta oo dhaca cida ugu horaysa ee ay saamaysaa waa bulshada markaa waxa inoo dana waa wax wada ilaashi iyo wax wada qabsi.

DHALINTA MAXAA U DAN AH?

Dhalintu waa xoogii iyo maskaxdii dawlada waa halbawlihi ugu qaalisaa bulsho  waxa iyaga dan u ah inay dalkooda aaminaan noqdaan kuwii fikiri lahaa , noqdaan kuwii keeni lahaa wax cusub nolol cusub , iyo aqoon cusub.

Iyagana  waxa looga baahan yahay inay la yimaadaan wax cusub , qorshe cusub iyo hami cusub si ay u  gaadhaan hamigooda iyo hiigsigoodaba ugana baxaan dhamaan dhibaatooyinka iyo tahriibka ay ku jiraan.

 

DALKA MAXAA U DAN AH?

Dalku wuu korayaa , wuu balaadhanayaa maalinba maalinta ka dambaysa waanu sii socdaa ilaa inta laga gaadhayo halkii la hiigsanayay.

Dalku wax badan wuu ka muuqdaa bilicdiisu ma xuma laakin hadana dantiisu waa qurxinta meelkasta iyo hagaajinta nadaafada guud ee dalka hagaajinta dhamaan meelkasta oo shaarica ama ay dadku ku kulmaan.

XISBIYADA MAXAA U DAN AH ?

Xisbiyada ka jira somaliland waa kuwo is dhax layay maanta waxa kaliya oo ka jira waa sadex xisbi marka laga reebo xisbi xaakimka waxa jira laba kale oo xisbi kuwaas oo aan ilaa hada dhaliil mooyaane aan sheegin wanaaga ka jira guud ahaan dalka oo dhan ama aan sheegin guusha ay gaadhay somaliland, inay mucaarad noqdaan waa shaqadoodii laakin ilaa imika waxa ka maqan wax badan , xisbiyada siyaasadu waa qaar kaliya yaqaan dhaliil iyo dacaayad aan meel gaadhsiisnayn halka ay ilaabeen in bulshada lagu kasban karo wadooyin fara badan  oo ay ka mid yihiin saamayn siyaasad cusub iyo soo bandhigis barnaamji cusub oo ay wax kaga qabanayaa siyaasadooda ama ay wax kaga badalayaan shaqadooda.

Waxa dan u ah inay wax kasta oo wanaagsan isku taageeraan, waxkasta oo muuqda taageeraan , nabada dalka taageeraan dawlada wixii wanaagsan ee ay qabanayso taageeraan laakin midkastaa ama xisbi kastaa uu samaysto siyaasad gaara oo uu ku kasbanayo taageerayaal waxaan idiin sheegayaa in waxkasta laga jecel yahay wanaaga iyo run sheega loogu neceb yahay beenta iyo waxun sheega

Waa suaal cidkasta u baahan inay garato wixii dhinaceeda u dan ah, danteenu guudna ha noqoto horumar iyo aqoonsi raadis , danteena guud ha noqota wada shaqayn iyo is caawin , danteena guud ha noqoto is maqal iyo is fahan, danteena guud ha noqoto wax wada ilaasasho  nabad ilaasasho , wadan ilaasasho, iyo wax wada qabsi buuxa.

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319

 Hargeisa

 Skype: Farxaan.mxd

 Social activist

Post number: 114

             Thank you all

COMMENTS
LINKS