Magaalooyinka Ugu Taajiriinta Badan Adduunka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalooyinka Ugu Taajiriinta Badan Adduunka
August 22, 2014 - Written by Editor:

Wajaalenews ;Daraasad ay sameeyeen ururka daraasada ee WealthInsight and Spears ayay ku shaaciyeen magaalooyinka adduunka ugu tujaarta badan leh.

WealthInsight and Spears waxay daraasadan ku sheegtay inay magaalooyinka ugu tujaarta badan adduunka ay hogaaminayso Monaco, dal yar oo gabigiisuba magaalo le’eg.

Dalka ama magaalada Monaco dadka ku nool 10 qofba 3 qof ayaa milyaneero ah, waxaana ku tigta magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Dalka Maraykanka New York ayaa ugu taajiriin badan, taas oo dadka ku nool 25-kii qofba qof ayaa milyaneer ah. Magaalooyinka Houston iyo San Francisco 50-kii qofba qof ayaa milyaneer ah

COMMENTS
LINKS