|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Xisbiyada Ka Dalbaday Inay Soo Magacowdaan Xubnaha U Matalaya Guddida Doorashada iyo Gudoomiyeyaasha Mucaaradka Oo Ka Dareen Celiyay
August 28, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Xisbiyada Mucaaradka ah u diray Qoraal uu kaga dalbay inay soo magacawdaan xubnaha u matalaya Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka ka dib markii guddida hore wakhtigoodii dhamaaday. 7-da Xubnood ee Guddida Doorashada ayaa laba ka mid ah Xisbiyadu magacabaan, laba kalena ka yimaadaan Guurtida, halka 3 Xubnood Madaxweynuhu magacaabo. Labada gudoomiye mucaarad ee Ucid iyo waddani ayaa maanta Aragtidooda ku aadan Dhambaalka Madaxweynuhu u soo diray ka hadlay, iyagoo ku tilmaamay qodob ka dhinaa diyaar garowga doorashada. “Digreetadaas Madaxweynuhu way soo baxday, wuxuun bayna ka hadlaysay xubnaha xulistooda, markaa jawaab ku haboon baanu ka bixin doonaa Haddii Alle ka dhigo Asxaab mucaarad ahaan. Wakhtiga la cayimayna waanu ku bixin doonaa jawaabtaasi” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro. Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isna ku tilmaamay Codsiga Madaxweynaha Mid Sharci ah “ Dee horta Anagu maanu arag digreeto lagu kala dirayo Komishanka laakiin anaga wuxuu noo soo diray uun inaanu soo magacowno xubnahayagii, taasina waa sharci oo xeer baa yaala, waanuna soo dhaweynaynaa oo waanu magacaabaynaa sida ugu dhakhsaha badan” ayuu yidhi Eng Faysal. Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku doodi jiray in laga wada hadlo Komishanka Doorashada oo wakhtigoodu ku eegyahay 29 October, iyagoo hore u soo jeediyay in la kordhiyo tirada xubnaha oo laga dhigo 3 Xubnood islamarkaana saddexda Xisbi si siman u qaybsadaan.
Related posts:Shacabka Hargeysa Oo Is Weydiinaya Halka Ay Martay Lacagtii Malaayiinta Doollar Ahayd Ee Guddida Kar... Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu hadalada qurxoon ficil u bedelo DAAWO: Madaxwaynaha Jabuuti Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Waftigii Uu Hogaaminayay Saylici + Saylici Oo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|