Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Talaabada Ciidanka Qaranku Kula Wareeggay Saax-dheer iyo Baaqa Caalamka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Talaabada Ciidanka Qaranku Kula Wareeggay Saax-dheer iyo Baaqa Caalamka.
August 30, 2014 - Written by Wariye:

madaxwayne siraanyoHargeysa(WJN):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay in Amarkiisa ay ciidanka Qaranku kula wareeggeen Magaala xuduuddeeda Saax-dheer oo ciidanku doraad qabsaday ka dib markii Cali Khaliif Galaydh isku dayay inuu Xaflad Caleemo Saar ku qabsado.

“Ciidanka qalabka sida ee Somaliland oo Amarkayga fulinaya waxay si buuxda ugu guulaysteen Sugidda Amaanka Magaalo xuduuddeeda(Saax-dheer). Dawladdu waxay hadda gaadhsiin kartaa  Adeegyada” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi Qoraal kooban oo uu xalay galiyay bartiisa Twitter-ka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid jawaab looga dhigayo Bayaan ka soo baxay safiirada Somalia ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, Maraykanka iyo Midawga Yurub oo ay ku dalbanayeen in Somaliland Ciidanka soo saarto Saax-dheer.

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed.
Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.” Ayaa lagu sheegay bayaanka ay wakiilladu soo saareen.

Ciidanka Somaliland ayaa Doraad la wareegay Gacan ku haynta Saax-dheer oo fadhiisin u ahayd Kooxda Khaatumo tan iyo markii laga eryay Taleex, halkaasi oo uu doonayay in lagu bokhro Cali khaliif. Ciidanka ayaa ilaa hadda ku sugan agagaarka Saax-dheer, iyadoo Cali Khaliif iyo Kooxdiisuna u talawday Itoobiya.

HARGAYSA OFFICE
WAJAALENEWS.NET
EMAIL:HABANE00@GMAIL.COM
WARIYE:ABDIQADIR ABDIRAHMAN HABANE

COMMENTS
LINKS