|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Talaabada Ciidanka Qaranku Kula Wareeggay Saax-dheer iyo Baaqa Caalamka.
August 30, 2014 - Written by Wariye:
“Ciidanka qalabka sida ee Somaliland oo Amarkayga fulinaya waxay si buuxda ugu guulaysteen Sugidda Amaanka Magaalo xuduuddeeda(Saax-dheer). Dawladdu waxay hadda gaadhsiin kartaa Adeegyada” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi Qoraal kooban oo uu xalay galiyay bartiisa Twitter-ka. Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid jawaab looga dhigayo Bayaan ka soo baxay safiirada Somalia ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, Maraykanka iyo Midawga Yurub oo ay ku dalbanayeen in Somaliland Ciidanka soo saarto Saax-dheer. “Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed. Ciidanka Somaliland ayaa Doraad la wareegay Gacan ku haynta Saax-dheer oo fadhiisin u ahayd Kooxda Khaatumo tan iyo markii laga eryay Taleex, halkaasi oo uu doonayay in lagu bokhro Cali khaliif. Ciidanka ayaa ilaa hadda ku sugan agagaarka Saax-dheer, iyadoo Cali Khaliif iyo Kooxdiisuna u talawday Itoobiya. HARGAYSA OFFICE Related posts:Madaxwayne Biixi Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Galabta Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Dr O... “Maanta In Qof Ama Qabiil Reer Somaliland Ah Lagu Eedeeyo Koonfur Ayay Doonayaan Waa Xaaraan Iyo Gef... Wasiirka Caafimaadka Jsl Oo Hortagay Golaha Wakiilada Iyo Su,aalo Laga Waydiiyay Musuq Maasuq Ka Jir... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|