Madaxweyne Siilaanyo iyo Salaadiinta Gobolka Awdal oo manta Kulan Garnaqsi Gondaha is daraya Iyo Waxyaabaha laga wada hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo iyo Salaadiinta Gobolka Awdal oo manta Kulan Garnaqsi Gondaha is daraya Iyo Waxyaabaha laga wada hadlay
August 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenewsl) Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta kulan balaadhan la qaatay dhawr iyo labaatan oday dhaqameed oo ka soo jeeda gobolada galbeedka Somaliland, kulankan oo ahaa mid garnaqsi ah ayaa la sheegayaa in ay labada dhinacba dhex martay dood iyo falanqayn GAR iyo GARNAQSI ah oo ku wajahnaydn gorfayntii loo balansanaa.

Ilo wareedyo ka ag dhow madaxtooyada oo ay shabakadu la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan qaabka dooda GAR-ta iyo GAR-naqsiga ah loo wadaagay, balse waxa ay sheegeen in oday dhaqameedyada beelaha Gadabuursi ay madaxwaynaha u gudbiyeen qoraal ka kooban 25 bogg oo ay ku soo koobeen nuxurka Tabashadada iyo Talooyinkooda.

Sidoo kale waxa ay ilo wareedyadu tilmaameen in ay odayaashu kala hadleen M/Siilaanyo qaabka wadaaga saamiqaybsiga Somaliland oo ay xuseen inuu dhinac u dheelisan yahay, sidoo kalena ay saluug xoogan ka muujiyeen qaabka shaqaalaysiinta hayadaha dawlada iyo dhinacyada u sinaashaha khayraadka dalka ee beelaha.

Dhinaca kale M/Siilaanyo ayaa la sheegay inuu si wayn u dhuuxay ugana garaabay Garnaqsiga odayaasha isla markaana ka dalbaday inay odayaashu siiyaan waqti kooban oo uu kaga soo dareen celiyo, iyada oo ay tani ka dhalatay odayada oo ku gacan saydhay inay Jawaabta Madaxwaynaha sugaan mudo dheer, waxana ay labada dhinacba isla qaateen in mudo aan ka badnayn 3 maalmood ay isa sugaan.

Ma jiraan wax faahfaahin ah oo dhinaca odayaasha laga helayo, waxase la sheegayaa inay mudo dhawr maalmood ah ku sugnaan doonaan Hargaysa isla markaana ay balan labaad la leeyihiin M/Siilaanyo

COMMENTS
LINKS