Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ergayga Qaramada Midoobay Oo Kulan Xaasaasi Ah Yeelanaya Maanta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ergayga Qaramada Midoobay Oo Kulan Xaasaasi Ah Yeelanaya Maanta.
August 19, 2014 - Written by Wariye:

Silanyo-iyo-KayHargaysa(Wajaalenews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, ayaa kulan xaasaasi ah xarrunta madaxtooyada ku yeelanaya maanta.
Photo File: Muuqaalka sawrikii ay wadagaleen Madaxweyne Siilaanyo iyo Kay markii kowaad ee uu Somaliland yimaado
Xafiiska gaarka ah ee Qarammada Midoobay ee la yidhaa UNSOM, waxa la aasaasay 3 June 2013, kaasoo loogu tallogalay inuu ka hawlgalo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa ajandayaasheeda ku salaysan dhismaha nabadda iyo dawladnimada oo ugu muhiimsan yihiin hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland diiday in xafiiskaasi ka shaqeeyo dalkeeda, maadaama ay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya, taasoo sababtay in safar Ergayga Xoghayaha Guud ee Soomaaliya ku yimi Somaliland bishii June ee sannadkii 2013 lagu wargeliyey in aannu xafiiskiisu ka shaqayn doonin Somaliland, dibna aannu dalka ugu soo laaban.
Hasayeeshee, Dawladda Somaliland, ayaa mar kale martiqaad u fidisay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, taasoo sababtay inuu safar rasmi ah mar kale ku yimaad Hargeysa shalay, isagoo kulan casho-sharaf ah la yeeshay madaxda Somaliland xalay, balse, waxa uu si rasmi ah shir ula yeelan doonaa madaxweyne Siilaanyo gelinka hore ee Salaasada maanta, kaasoo la filayo inuu noqdo mid xaasaasi ah, maadaama xurgufo siyaasadeed muddooyinkii u dambeeyey dhexyaaleen Qaramada Midoobay iyo dawladda Somaliland.
Mr. Nicholas Kay oo wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland ku soo dhaweeyey Hargeysa shalay, waxa uu tilmaamay in Somaliland horumar baaxad leh samaysay sannadihii u dambeeyey, waxaannu yidhi; “Somaliland sannadihii u dambeeyey waxay samaysay horumar baaxad weyn, taasoo ay xukuumadda iyo dadkuba u qalmaan in si dhammeystiran loogu ammaano.Waan ka mahadcelinayaa fursaddan la ii siiyey si aan ku daraaseeyo qaabka loo sii kordhin karo, loona xoojin karo wada-shaqayn dhexmarta UNSOM iyo maamulka Somaliland, taasoo dan u ah dadka. Waxaa farxad weyn ii ah inaan Hargeysa mar labaad imaad, waxaan la kulmi doonaa Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirro badan. Waxa aan la kulmi doonaa Madaxda Qaramada Midoobay ee Somaliland ka shaqeeya, waxaanan kala hadli doonaa sida ay bulshada Somaliland ula shaqaynayaan.”
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in muddada Ergayga Qaramada Midoobay joogo Hargeysa uu kulamo la yeelan doono Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire, si ay uga wadahadlaan fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka Qaramada Midoobay ee dhinaca nabadda, xasilloonida iyo horumarka dadka reer Somaliland.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Mawliid Maxamed Ibraahim oo madaarka Hargeysa ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in qaybta horumarinta iyo arrimaha bani’aadanimo ee UNSOM la shaqaynayso Somaliland, balse aanay qaybta siyaasadda xafiiskaasi ka hawlgelin dalka.
“Waxaannu soo dhaweynaynaa Nicholas Kay oo ah u qaybsamaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Qaramada Midoobay. Waa markii labaad ee uu halkan yimaad muddo sannad iyo bil ah. Sidaad ogtihiin xafiiskan UNSOM waxa uu leeyahay laba qaybood oo kala ah; siyaasadda iyo bani-aadanimada, sidaas darteed mar walba waynu ka tirsanahay xafiisyadan Hargeysa ee uu isagu maamulo, markaa dhinaca aynu sida xoogga ah uga wada shaqayno waxa weeye dhinaca arrimaha bani-aadanimada,” ayuu yidhi wasiir-ku-xigeenku.
Madaxda Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan sidii loo xoojin lahaa dhinacyada ay wada shaqaynta ka leeyihiin, waxaanna si gaar ah isha loogu hayaa natiijada ka dhalan karta safarkiisa labaad ee Mr. Nicholas Kay ku yimi Hargeysa, maadaama safarikiisii hore ee bishii June 2013 uu faro madhnaan iyo hungo siyaasadeed kala kulmay shir uu la yeeshay madaxweyne Siilaanyo
Hargaysa Office Wajaalenews.netEmail:habane00@gmail.comWariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS