Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Nicholas Kay Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Dareen Celiyay Socdaalkii Somaliland Uu Ku Yimid Mr Kay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Nicholas Kay Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Dareen Celiyay Socdaalkii Somaliland Uu Ku Yimid Mr Kay.
August 26, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Nicholas Kay, ayaa siyaabo kala duwan uga dareen celiyay socdaalkii Nicholas Kay ku yimid Somaliland.

Qoraalo kooban oo ay Doraad ku baahiyeen Barta Bulshadu ku xidhiidho ee Twitter-ka ayay labada Masuul ku sheegeen hadalo kala macno duwan. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in Somaliland kala shaqaynayso Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa dhinaca horumarka balse aanay marti galinayn Xafiiska Siyaasadda Federal-ka Somalia dhiiri galiya ee UNSOM.

 

“Somaliland waxay sii wadaysaa inay dhinacyada horumarka kala shaqayso Qarammada Midoobay, laakiin Somaliland martigelin mayso xafiiska siyaasadda ee UNSOM,”ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi QoraalkiisaHase ahaatee Nicholas Kay, ayaa sheegay in Safar uu todobaad ku maray Wadamada Kenya,Ethiopia, Somaliland iyo Maamulka Puntland intuba taageertay dhismaha federal-ka Somalia.

Lama oga u jeedada rasmiga ah ee Mr Kay inuu u jeedo in Somaliland ogoshahay dhismaha Federal-ka oo Somalia laga hir galiyo iyo inuu u jeedo in Somaliland Ogoshahay inay qab ka noqoto Federal-ka Somalia.

“Toddobaad dheer ayaan safar ku joogay Puntland, Somaliland, Itoobiya iyo Kenya. Dhammaantood waxay taageereen federaalka Soomaaliya, iskaashiga Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo ololaha lagula dagaallamayo argagixisada,” ayuu Nicholas Kay ku yidhi qoraalkiisa.Nicholas Kay oo Wariye ka tirsan Inner City Press oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa waydiiyay Sida Somaliland u taageersan tahay Federalka, waxaanu uga jawaabay si kooban aan caddayn “Markii aan joogay Hargeysa waxaan maqlay in Somaliland ku adag tahay madaxbannaanineeda, basle ay sidoo kalena taageersan yihiin hannaanka dhismaha Soomaaliyau ee heer gobol.” Ayuu yidhi Mr Kay

 

 

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Email:habane00@gmail.com

Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS