Madaxweyne jsl oo Siilaanyo oo tacsi u Diray Geerida Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne jsl oo Siilaanyo oo tacsi u Diray Geerida Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir
August 6, 2014 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS