Madaxweyne Daydayga Iinta Leh Naga Qabo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Daydayga Iinta Leh Naga Qabo
August 16, 2014 - Written by Editor:

Tan iyo intii uu talada dalka qabtey madaxweynaha soomaaliland axmed mahamed mahamuud silaanyo oo ah halgamaa ruug cadaa siyaasiya wuxuu madaxweynahu xukuumada iskugu keeney dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliland,hadey noqoto aqoonyahan,beel daajiye,afmiishaar iyo waliba day day.

26839_NpAdvHover(1)

madxawene xukuumadaada waxaa ku jira siyaaasiyiin da’a yar oo aqooonyahano ah oo shaqeeya inka badan 18saac maalintii. waxaaa kale oo ku jira day day iinleh dagaaladiii sokeeyana calaamad ku yeeshay laakiin xukuumadaada kusoo galey afmiishaarnimo. Marka uu qasriga madaxtooyada soo galo waxaa kaliya oo uu ka sheekeeyaa miyaanan si qurux badan ugu jawaabin.

Marwalba wuxuu weeraraa dad guryahooda iska jooga oo aan waxba war u heyn kursina kugu haysanin.

Waa cilmiga day dayga iyo caadadiiye dadkuna waxay moodaan inaad adigu soo dirtey adigoo warba u heyn, hadhow uun baad warbaahinta ka maqashaa weerar hebel oo ixtiraam idinka dhexeeyey laakiin ha yaabin day dayga aad diratey ayaa keenee.

Day daygani wuxuu ukala sheekeeyaa wasiirada cilmiga leh ee kuugu dhaw iyo qoyskaaga.

24-saacna wuxuu meelahaa ka yidhaa madaxweynaha shaqo ayaan u hayaa aaney dadku uqaban waxaanu hadalkaa yidhaa isagoo afku jajabanyahay indhuhuna waaweyn yihiin. laakiin waxaan soo xasuustey hadal laga hayey madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la yidhi hebel maxaad u eridey? wuxuu ku jawaabey ” waxaan ka baqey inuu col iila gallo”. hadaba mudane madaxweyne adigoo ah ruug cadaa, siyaasi halgamaa ah oo aanay jirin cid kale oo wadanka kuu dhaanta oo aan ugu yeedhaa wadanka ka qabo ninkaas iinta leh ee magacaaga huwan.

 

By: Cabdifataax Dheeg Axmed Hargeysa

 

COMMENTS
LINKS