Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane, Axmed Silaanyo oo maanta dalka ku soo laabtay; DAAWO SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane, Axmed Silaanyo oo maanta dalka ku soo laabtay; DAAWO SAWIRO
August 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta dalka ku soo laabtay ka dib hawlo shaqsi ama fasax-gaaban oo uu madaxweynuhu ku joogay Wadanka Ingiriiska.

Ayaa maanta waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka gaar ahaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyadoo lagaga hortegay Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeysa, waxaana soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mujaahid Maxamed Kaahin, Xubno ka mida Golaha Wasiirada Somaliland, Xildhibaano uu hormood ka yahay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanku, Wasiir ku-xigeeno, Taliyeyaasha Ciidamada kala Duwan ee Dalka, Marwooyin badan oo ka socday Xisbiga Kulmiye.

DSC_0155DSC_0062DSC_0237DSC_0313DSC_0326DSC_0329DSC_0367DSC_0417DSC_0503DSC_0508

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland  iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ka dibna waxa jidadka waa weyn ee caasimada ku soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo lulaayey caleemo, Calamo, Sawirada Mdaxweynaha iyo Ubaxyo.

Waxaanu madaxweynuhu soo gaadhay Qasriga Madaxtooyada oo ay ku sugayeen masuuliyiin badan oo ka mida Xukuumada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyada JSL

COMMENTS
LINKS