|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha DJibouti Oo Maanta Xabsiga kasii Daayey Culimo Mudo Xidhay Iyo Madaxda Mucaaridka Oo Soo Dhoweeyey
August 27, 2014 - Written by Editor:Djibouti(Wajaalenews) Waxa Maanta Xabsiga Dhexe Ee Gabood laga sii daayey Saddex Culimo ah oo muddo kusiman laba sano xabsigaas ugu xidhnaa Madaxweyne Geelle iyo xukuumaddiisa.
Culimadan oo kala ah Cabdirahman Good ,Giirre Meydal iyo Sheekh Bashiir ayaa sii deyntoodani ku timid cafis uu u fidiyey Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle Waxana sii deyntooda kaddib culimadan si baaxad leh u soo dhaweeyeen Bulshada Reer Jibuuti oo ay horsocdeen Madaxda Mucaaradka Jabuuti(USN), tirada dadka iskugu soo baxay soo dhaweynta Culimada ayaa lagu qiyaasay Boqolaal qof, kuwaas oo isugu jiray bulshada qaybeheeda kala duwan iyadoo dadweynahan oo aad u tiro badnaa ku hor-sugaayeen Culimadan sabadka hore ee Xabsiga, waxayna dadweynahani culimadaas usii gelbiyeen dhinaca goob fagaare oo lagula ballamay Bulshada Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|