|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayirka Gabiley Oo Aan Kasoo Xaadirin Yeedhmadii Gudida Ilaalinta Iyo Daryeelka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Iyo Dareenada Ku Xeeran.
August 21, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Gudida Ilaalinta iyo Daryeelka Hantida Qaran ee golaha wakiilada somaliland ayaa maalmihii u danbeeyay waxay bilaabeen xog,waraysiyo ay layeelanayaan qaarkamida masuulinta qaran oo ugu horeeyo wasiirka arimaha gudaha somaliland warancade ,oo ay yeesheen kulan xasaasiya su,aalana ayka waydiiyen sobobta keentay in golayaasha deeganka uu u diido warqada sharciga ee kalfadhiyadooda , waxayaalaha wasiirka laga dhagaystay warbixintooda ayaa waxa kale oo kamida shaqaaqada kataagan gobolka togdheer, iyo arimo kale oo khuseeya shaqadiisa. Hadaba gudidan oo ka duulaysay waajibaadka shaqo iyo meelaha ay dhaliiso dulhogonayso uguna horeeyaan golayaasha deeganka ee dalka. Iyagoo maanta la balananaa maayirada caasimada hargaysa iyo maayirka gabiley si ay wax uga waydiiyaan habsami usocodka shaqadooda ,eedaymo kaga imanayay mudanayaasha ay kuwa jiraan golaha iyo musuqmaasuq baahsan oodulhonaya labadan maayir , Waxaa gabi ahaanba aan kasoo xaadirin yeedhmadaa gudida ilalinta iyo daryeelka hantida qaranka Maayirka magaalada gabiley shacayb maxamed muuse oo ah isagu maayirka ugu edaynta badan maayirada dalka, mudana ay xildhibaano tiradoodu gaadhayso afar iyo toban ay kusoo Oogayeen mooshin xilka xayuubina ah, Warar xogogaal ayaa noosheegay in maayirka agbiley ku an dacooday wax qoraala oo gudidu isoodirtay mahayo ,dhanka kale gudida ayaa shegay in ay udireen lana hadleen lakiin aanay garanay sobobta bajisay imaantinkiisa gudida ayaa sheegtay in balan labaad u qabteen maalinta sabtida Arinta uu iman waayay maayir shucayb ayaa wali lashaacin taasi oo abuurtay shagi siina xoojinaysa dhaliishiisa, Dhanka kale wasiirka arimaha gudaha cali maxamed warancade ayaa ka dhawaajay in xayiraadii golayaasha deeganka ee xaga doorasha maayir csub ay hada fasax tahay mudaduna ahayd mudo sanada siloo tijaabiyo wax qabadka golayaasha dalka Magaalada gabiley ayaa caawa laga dareemaya olole kusaabsan sidii kursiga looga tuurilahaa maayirka hada xilka haya kaasi oo mudadii sanadka ay ee uu xilka hayay, ay taariikhdu xusidoonto hadba wixii uu kusoo kordhiyay magaalada gabiley, Qofkasta oo xil qabta waxay bulshadu ku xasuusataa dhib,dheef, Hadaba maayir shucayb maxaa lagu Xasuusan doonaa?mudadii xilka hayay? SU,AASHAN WAXAA U DHAAFAYAA DADWAYNAHA REER GABILEY IYO CIDKASTA OO JECEL HORUMARKA,
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM KADHIIBO FIKIRKAAGA COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|