Maayir Caasimada Hargeisa Oo Soo Dhaweeyay Wefti Uu Hogaaminayo Dhigiisa Caasimadda Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayir Caasimada Hargeisa Oo Soo Dhaweeyay Wefti Uu Hogaaminayo Dhigiisa Caasimadda Jabuuti
August 22, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay dhigiisa Magaalada  Jabuuti Maayar Xuseen Cabdillaahi oo ay weheliyaan Koox iskugu jirta Fannaanniin iyo Hidaha iyo dhaqanka iyo Maalqabeeno reer Jabuuti ah.

Maayar Sotelco ayaa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Weftiga uu hogaaminayo Maayarka Djabouti, waxaanu sheegay inay si wayn ugu mahadcelinayaan Weftigan oo Ajiibay Martiqaad ay u fidiyeen.

labada-maayir

“Aad ayaan uga mahad celinayaa maayarka Djabouti iyo ku xigeenka sidii ay u ajiibeen inay ka qayb galaan carwadan, socodkani waa kii labaad, waxaana hore u jirtay inaanu anagu hore u booqanay magaalada Djabouti halkaas oo aanu is fahan ka gaadhnay sida ay labada magaalo u wada shaqayn lahaayeen,  waxaanu socdaalkani ku beegan yahay carwada ganacsi ee la qaban doono oo ay ka soo qayb gali doonaan wadamada jaarka ah oo ay Djabouti ugu horaysay Yemeni ku xigto, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin  inaad soo ajiibteen codsigayagii” Ayuu yidhi Soltelco.

Duqa Jabuuti oo dhiniciisa ka hadlay Safarkiisa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Hargeysa “Waxaanu halkan ku nimid marti qaad aanu ka helnay maayarka caasimada Hargeysa, si aanu uga qayb galno xaflada bandhig carweedka lagu qabanayo Hargeysa, aniga iyo waftiga aan hogaaminayo oo iskugu jira koox hido iyo dhaqan ah iyo maal qabeeno reer Djabouit ah, waxaanan aad ugu mahad celinaynaa  xukuumada Somaliland, maayarka caasimada iyo shacabka waxaanan leeyahay dadkii idiinku dhawaa ee jaarka ah ayaanu nahay, Anaguna haddii aanu carwo qabanayno mudnaanta koowaad waxa yeelanaya dadka reer Somaliland taasina waa balan.” Ayuu yidhi Maayarka Djabouti

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS