|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Magalada Hargeysa Oo Walaac Ka Muujiyay Xabaalo Khatar Ugu Jira In Daad Qaado.
August 14, 2014 - Written by Wariye:
“xabaalahan oo la sheegay inay ka da’weyn yihin Hargeysa oo dad badan oo badhtamaha magalada dhisay ku jiraan, waxa galay laagihii laba laagood ayaa ku soo faruurtay oo ah ishii Cobosha oo qoladda farsamadda ka wada hadalnay sidii wax looga qaban lahaa, iyo laagta kale ee dusha ka timaada sidii xabaalaha looga duwilahaa, hoyga rasmiga ahi waa intaa yar ee qofku ka leeyahay dhulka, dhibaato weyna way ka dhacday halkan, waxaanu lahayn dawlad hoose ahaan dhaqaalahayagu wuu yar yahay laakiin macnihii lagu dhisi lahaa ama lagu badbaadin lahaa ayaanu haynaa, macnihii iyo qalabkiiba waanu haynaa, maalinta Arbacadda ee soo socda dadka danaynayaa inay wax ka qabtaan waa inay halkan iskugu yimaadaan tobanka barqo nimo arrintaasi oo laga wada hadli doono sidii wax looga qaban lahaa, dhaqaale badan ayey u baahantahay farsmadii sidii wax looga qabanayey waxa ay sameeyeen, iyadoo dhamaystiran lagu soo bandhigo maalinta Arbacadda ah ee la iskugu imanayo sidii xabaalahan loo badbadin lahaa” Ayuu yidhi Maayarka Hargeysa
Hargaysa Office
Wajaalenews.net Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane
Related posts:Daawo: Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Heshiiskii Somaliland Iyo Khaatumo + Arimo kale Oo Xaasa... DAAWO; Dhalinyarada Kubada Cagta Ee Gobolka Awdal Oo Eedihii Ugu Cuslaa Ku Hurgufay Wasiirka Maaliya... Warbixin Is-barbar Dhig Ku Samaysay Dekedaha Berbera Iyo Muqdisho Oo ku Kala Tegay Dhinaca Adeeg Bix... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|