Maayarka Hargeysa iyo Wasiirka Duulista oo khilaaf ku dhex maray dhulka Madaarka Hargeysa ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Hargeysa iyo Wasiirka Duulista oo khilaaf ku dhex maray dhulka Madaarka Hargeysa ah
August 3, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Maayarka Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayuu shalay khilaaf meel adag gaadhay ku dhex maray qayb ka mid ah Dayrka Madaarka, halkaas oo uu doonayo Maayar Soltelco in uu wado uga baneeyo Dad Guryo ka dhistay agagaarka Madaarka Hargeysa oo la Dayrayo.dhulka

dhulka

madaar kaIowareedyo Goob joog ka ahaa kulan ay Maayarka iyo Wasiirku ku yeesheen Madaarka ayaa sheegay in hadaladu ka tag taagmeen kadib markii Soltelco ku Hanjabay in uu Cagaf marinayo halka uu doonayo si uu wado ugu baneeyo Dadka guryaha leh, hase yeeshee Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa taas si weyn uga hor yimi waxaanu ku hanjabay inaanu marin Karin.

Illaa hada ma jirto talaabo midkood qaaday gaar ahaan Maayar Soltelco maadaama uu isagu doonayey in uu Dhulka baneeyo, wallow aan wax war ah oo kale laga helin in ay ka heshiiyeen khilaafka wadadaas iyo inkale.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku dooday in aanay meesha ay doonayaan wado noqon Karin isla markaana aan madaarka la dhex marin Karin, iyadoo wararku sheegayaan inay wasaaraddu hore wado ugu banaysay xaafadaha Maayarka u ashkatooday isla markaana Xayndaabka madaarka loo qayday aanay haboonayn in mar danbe lagu soo noqdaa.

Waxa isa soo taraya khilaafka dhinaca Dhulka ee u dhaxeeya Dawladda Dhexe iyo Dawladda hoose, waxaana dhawaan dhacday in ay Maayarka Caasimada iyo Wasiirka Hawlaha Guud sidan oo kale isugu qabsadeen Guri ku yaala xaaafadda Shacabka oo ay Wasaaradda Hawlaha Guud ogolaansho dhisme Dayr siisay taasoo maayarku ku qabsaday.

Dhacda wasiirka Hawlaha Guud iyo Maayarka oo gaadhay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa gaadhay khilaafka heerkii ugu cuslaa ee arrin dhul ku dhex marta masuuliyiinta Hawlaha Guud iyo Golaha Deegaanka, waxaanu wasiir C/risaaq Khaliif ku sigtay in uu iscasilo maadaama uu ku soo faragaliyey hawshiisii kadib markii Madaxweyne Siilaanyo usoo qoray qoraal uu ku taageeray Maayarka, waxaana xalka arrintan loo balamay soo noqoshada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed iyo Maayar Soltelco ayaa iyana sidan oo kale isugu qabsaday barxada hore ee wasaaradda Caafimaadka kadib markii maayarku cagaf ku baneeyey banaanka u dhaxeeya wasaaradda iyo Laamida, halkaas oo uu ku jiro dhul weyn oo banaan oo ay Dawladda hoose damacsanayd inay ka faa’iidaysato, balse waxa si adag uga hor yimi wasiir Xagla Toosiye, kaasoo ka eryey Cagaftii maayarka.

 

Si kasta ha ahaatee, khilaafka soo kordhaya ee dhinaca Dhulka ee u dhaxeeya Dawladda Dhexe iyo Dawladda Hoose ayaa u baahan xal sharci oo ka xadeeya awoodaha ay u kala leeyihiin Maamulka Dhulka.

 

COMMENTS
LINKS