Maayarka Caasimada Hargeisa Oo Maanta Hortagay Gudiga Ilaalinta Iyo Daryeelka Hantida Qaranka Golaha Wakiilada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargeisa Oo Maanta Hortagay Gudiga Ilaalinta Iyo Daryeelka Hantida Qaranka Golaha Wakiilada
August 21, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(GNN)Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Solteko ayaa kulan is Xog-wareysi la yeeshay Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada kulankaasi oo saaka ka dhacay Xarunta Golaha wakiilada ayaa Markii uu dhammaaday waxa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wadda hadleen Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Solteco waxanu tilmaamay in guddidu ay ka xogwareysatay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xilka hayeen ka Golle Deegan ahaan, waxanu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay isaga oo sheegay in mudadii xilka ay hayeen ay dhiseen waddooyin badan oo Magaalada Hargeysa isaga oo xusay in qorshaha sanadkan ay waxbadan ay ugu jirto in ay magaalada ka qabtaan.
Maayirku waxa kale oo uu ka hadlay Khilaaf la sheegay in uu ka dhex jirro Dawlada Hoose Xildhibaanadeda waxanu beeniyey Arrintaasi isag aoo ku tilmaamay in aanay Sal iyo raad toona lahayn.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS