Maayar Soltelco Wuxuu Ka Dhabeeyay “Hargeysoo Siraadan Waan Sugayey” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayar Soltelco Wuxuu Ka Dhabeeyay “Hargeysoo Siraadan Waan Sugayey”
August 24, 2014 - Written by Editor:

Dalka waxaa ka qabsoomay doorashooyinkii golayaasha deegaanka oo ahayd doorashadii ugu cuslayd ee dalka ka qabsoonta, waxaana ka qayb galay xisbiyo iyo ururo siyaasadeed. Waxa loo Huray waqti badan waxaana la galiyey tamar aad u badan, iyada oo Laf-dhabarta doorashooyinku ay ku socdeena ay ahayd nabadgelyada Iyo dhaqaalaha oo aanay la’aantii waxba qabsoomeen. Natiijadii Doorashooyinka ama shaqsiyaadkii ku soo baxay doorashooyinka ayaa bulshadu siyaabo kala duwan uga aragti bixiyeen, waana wax iska caadi ah in bulshadu ku kala aragti duwanaato, Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda (gaalka dil gartiisana sii). Runtii maahmaahdaasi, luuqad ahaan way adagtahay laakiin ujeedada ayuun baynu ka raacaynaaye.

Waxaan rabaa bal in aan iftiimiyo muxuu qabtay Maayarka caasimada Hargeysi? Muddadii Sanadka ahayd ee uu xilka hayey ma yahay nin xilkiisii si fiican u gutay,mise wuxuu noqday nin baal maray? Su’aalahaas waxaynu si sax ah uga jawaabi karnaa marka aynu ku qiimayno xilka loo doortay ee ah Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, inagoo dhinac iska dhigayna danaha shakhsiga ah ee baloog iyo baloodh, iyo wixii la hal maala ayaan ka waayay.

Sida aynu wada ogsoonahay dawlada hoose ee Hargeysi waxay u xilsaaran tahay adeegyo fara badan oo ah, lafdhabarta bulshada sida dhismaha wadooyinka iyo Biriishyada, faya dhawrka guud ee bulshada, sida biyo mareenada ,goobaha xoolaha lagu soo qalo (kawaanada), Sariibadaha oo ah goobo u baahan nadaafad joogta ah, bilicda caasimada nashqadaynta Iyo qaabaynta magaalada iyo wixii kale ee la jira.

Haddaba mudadii koobnayd ee maayerku xilka hayey waxa la sameeyay Jid casri ah oo noqonaya Asphalt road international standard oo ka soo bilaabanta bariga magaalada Hargeysa (Halaya eeriya) dagmada M/haaruun ilaa Jigjigayer  Ib/koodbuur, jidkaas oo ah jidka wadnaha ama badhtamaha Hargeysa kaas oo dhererkiisu yahay 17km oo noqonaya jid raasamaala ,oo aan ahayn (yeel oo igu noqo) waxa kaloo jid laami ah la dhigay 18km iyo badh oo loo qaybiyey degmooyinka caasimada. Sidoo kale ,waxa dayac tir lagu sameeyey 19km oo ah degmooyinka Hargeysa waxa kale oo aan la dafiri karin , dhisamaha 11 Biriish oo iskugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yaryer, biriish yaradaa oo qaar ka ka mida ay dhamaadeen iyo qaar wali gacanta lagu hayo, iyada oo ay barbar soodaan dib udhiska xafiisyada xarunta dawlada hoose, iyo xafiisyada degmooyinka iyo qalabayntooda. Waxa la hirgaliyey barnaamijka Mar Mar dhigista caasimadda, iyada oo marka laga reebo kharashka ku baxaya, ay dawlada hoose lahayd masuuliyada qaabka loo dhigayo iyo tayada MarMarku sida uu yahay.

Waxa xusid mudan oo dawlada hoose ee Hargeysa ku soo kordhay gaadiid tiradoodu dhanyahay 19 oo iskugu jira, Dab-damisyo, Gaadiidka iska Rogooyinka, oo noocoodu yahay Cinotruck (24 ton), Ambalaasyo, Sheewalo, Rugley, Grader Machine, iyo iska Rogooyin yaryar.

Waxa habeenkii indhahaagu qabanayaan markaad marayso dhakhtarka weyn hortiisa qashaafado cad cad oo ku shaqaynaya solar system oo qayb weyn ka qaatay Bilicdii iyo Nabadgalyeda magaalada taas oo la ii sheegay inay yihiin tijaabo, balse lagaadhsiin doono qaybaha kale caasimadda .Waxaaban xasuustay heestii Hodan Cabdiraxamaan ee ahayd (Hargeysa oo siraadan waan sugayee).

Waxyaabaha kale ee aad ku farxayso markaad aragto waxa ka mida 7 Gaadhi oo ah Dab Damisyo oo dhex yaala xayn daabka dawlada hoose iyo shaqaale gaadhaya 30 qof oo iskugu jira dirawaladii iyo shaqaale loo taba baray sida loo xakameeyo dabka. Waxa kale oo jira waxyaabo kale oo aan qoristooda ka hawl yaraystay hadaba markaan is barbar dhigno hal sano iyo wax qabadkaa aan hore u xusnay .waxay jawaabtu noqonaysaa nin ka soo baxay xilkii loo dhiibay iyo waliba dheeraad. Taasna waxaa markhaati noqonaya markaad booqato xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo barxadii dadku buuxi jireen aad hadda markaad tagto aroorta hore intaan shaqada loo kala bixin, aad ka waayayso meel aad istaagto, maadaama ay xaydaabka buuxiyeen gaadiidka cagafta, iska-rogada, gaadiidka dab-damiska ah iyo Ambalaasyadu buuxiyeen, kuwaas oo muddadaa sannadka ah intii Maayar Soltelco xilka hayay uu u suurto-geliyay inay dawladda hoose iibsato.

Dhinaca fikirka iyo aragtida dadku way ku kala duwanaan karaan, laakiin qofka wax qabad muuqda arkayaa hadana kala masuugaya hambalyada iyo dhiirigalinta waxaan u soo qaadanayaa gabaygii uu tiriyey gabayaagii weynaa ee Salaam Carrabay tuduc ka mida oo ahaa:-

Waxba yaanu xeerkay I marin

Xoolona ii siine

Xaasha’e nin libin kaa xistiyey

Xumihii waa yaabe

By: Maxamed Wadaadyare

Muwaadin reer Hargeysa ah

Tel: 0634174517

COMMENTS
LINKS