Ma ka Qoomamootaa Furriinka? Mase Dareentaa 10 Qomamo oo Furriinku Leeyahay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma ka Qoomamootaa Furriinka? Mase Dareentaa 10 Qomamo oo Furriinku Leeyahay?
August 19, 2014 - Written by Editor:

XIISAHA (Wajaalenews);Go’aanka in furitaan qoys yimaad, waa mid markasta aad ugu adag qofka gaadhaya iyo iyadoo sababo farabadan oo jira awgeed ay sababayn fiican u noqon karaan in gebi ahaanba la soo gebagabeeyo guurka lammaanaha.

Furriin

Haddaba, daraasad dhawaan la sameeyey, ayaa shaaca ka qaaday in 50% furtaanadu ay yihiin kuwo keena qoomamo ku qotonta kala go’a xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahaa, sidoo kale, daraasadan ayaa lagu caddeeyey in kadib markuu furiinku yimaad ay 54% kamid ah ay aaminsan yihiin inay gaadheen go’aankii ugu haboonaa, halka qaar badana ay oggaadaan inay is waayeen ama in ay jacayl ka badan kii hore u qaadaan dhinacyaddii hore xidhiidhku u dhexmaray.

Sidoo kale, 42% kamid ah dadka qoys burburku ku dhaco ama is fura ayaa waxa soo foodsaarta wakhti aad u adag, gaar ahaan xilliga gaadhida go’aanka kama dambaysta ah ee furriinka, taasoo tiradda u badan ee saami ahaan ay ka noqdaan kuwo dadaal dheeraad ah u gala siday mar kale dib isugu soo laaban lahaayeen, halka 21% kamid ahna ay ilaa hadda ku guulaysteen inay dib u yagleelaan qoys kadib markay is fureen.

Dadka sida badan tallo ama fikir ka dalbada asxaabtooda si ay go’aan kama dambays ah uga gaadhaan furriinkka, ayaa inta badan si weyn uga qoomamooda go’aankooda kala taga jacaylkooda, halka kuwo kalena ay dareemaan kallinimo ama in ay ku degdegeen go’aankooda furriinka.

Haddaba, ma dareenta kaa ka mid ah tobbankan qodob ee hoos ku qoran oo ah tobbanka asbaabood ee keena qoomamada furriinka;

  1. Waayida jacaylkii hore
  2. Dareenka guuldarro
  3. Xiise iyo Jacayl aad u qaado jacaylkii hore
  4. Inaad aqoonsato in qodobada aad cuskatay ay ahaayeen kuwo aan sabab lahayn
  5. Ogaanshaha in aanay marnaba sidii hore wax ka fiican jirin
  6. In jacaylkii hore uu helo xidhiidh cusub
  7. Inaad oggaato in aanay marnaba u wanaagsanaateen xaaladii hore
  8. Inaad waxyeello u geysato xidhiidhkooda carruurta
  9. Nolosha Carruurta furriinku saamayn ku yeelato
  10. Dareen kallinimo.

 

XIISAHA WAJAALENEWS IYO XULASHADA MAANTA

KALA SOCO MARKASATABA IYO MEELKASTABA

 

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS