Ma Haboona in Mas’uuliyiinta Qaranka Laga Sheego Warar Aan Sal iyo Raadtoona Lahayn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Haboona in Mas’uuliyiinta Qaranka Laga Sheego Warar Aan Sal iyo Raadtoona Lahayn
August 30, 2014 - Written by Editor:

Aniga oo ah Muwaadin u dhashay Somaliland, magiciisana la yidhaa Mustafe Maxamuud Xuseen, waxaan halkan uga jawaab-celinayaa maqaal lagu qoray shabakadda baligubadlemedia, kaas oo ku saabsanaa Af-hayeenka Qaranka Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, iyadoo qoraalkaas uu garab-marsanaa haybadda anshax iyo dhaqan ee bulsho, isla markaana ku sifaysnaa shakhsi weerar iyo tabbin xogo aan sal iyo raadtoona lahayn.

Marka koowaad waxaan leeyahay, waxa muddan in la ilaaliyo xurmadda iyo sharafta madaxdeena hormoodka ka ah Qarankeena Somaliland, taas oo waajib ku ah qofkasta oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, iyadoo diinteena suubanna ay inagu boorinayso in la ilaaliyo xuquuqda qofka kale iyo in aan meel looga dhicin sharafta iyo karaamadda madaxdeena.

Haddaba, haddii aan u guddo-dhaco ararta ujeedada qoraalkaygan jawaab-celinta ah wuxuu ku qotomaa in aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay sal iyo raadtoona lahayn waxyaabaha lagu qoray shabakadda wararka ee baligubadlemedia oo aan odhan karo shabakaddu waxay ku guuldarreysatay inay bulshada u gudbiso xoggo iyo warar sugan oo runta ku qotoma, iyadoo aan u cuskan karo maqaaladda shakhsi weerarka ah ee ay ku soo daabacayaan boggogooda wararka.

Si kastaba ha ahaatee, qoraha maqaalka oo isku sheegay in la yidhaa Maxamed Xuseen, waxaan u sheegayaa in aanay fiicnayn af-la-gaadada madaxda Qarankeena iyo in aad qallinka u qaadato sidaad sharafta iyo karaamadda Madaxda Somaliland meel ugaga dhici lahayd, inkastoo ay yartahay saamaynta uu qoraalkaagan ku yeelan karo, balse waxaan aad uga xummaaday sifaha iyo nidaamka cad ee aad u martay sidaad shakhsi weerar ugu samayn lahayd Af-hayeenka Qaranka.oo run ahaantii aan udhan karo wuu ka duwan yahay sifaha aad ku tilmaantay.

Ugu dambayn, waxaan halkan ka sheegayaa in Af-hayeenka Qaranka Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul uu sida xaqiiqda ah ku tilmaaman yahay shakhsi u xuub-siibtay muwaadinimo iyo siduu markasta uga shaqayn lahaa hawlaha wax-qabad ee Xukuumadda uu hoggaamiyaha u yahay Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo isku boorinta sidii looga qaybqaadan lahaa barnaamijyadda horumarineed ee ay ku tallaabsatay xukuumadda hadda haysa talladda dalka.

COMMENTS
LINKS