|
|||||
WAJAALE NEWS
Kuwa Qabaxda Saxaafada Musuqmaasuqa ayaa Leh Cidbaa Wax Musuqmasuqday. qalinkii calimahdi jibriil
August 9, 2014 - Written by Editor:laga soo bilaabo dabayaaqadii sanadkii hore, somaliland waxaa kusoo badanaya Shaksiyada iyagu Mansabka Kusamaysanaya Darajo cusub oon hore dadkeenu u Aqoon Waa U Qaabilsanaha Warbaahinta Meel Hebla, tolow ma arkaan miyaa madaxdaasi dilaaliinta u dhuumatay, ma ka fekereen waxa uu qabanayo mase la socdaan waxyaabaha uu booshaaqayo mise waxaa indhaha tirtay tolnimada, mararka qaar waxa aad arkaysaa dhawr shaxaadyahan oo xoogaa yar kaga furanaya magaca ay ugu yeedhaan oo ah ”XOOG HAYE” wuxuu iloobayaa amaanadii uu hayay iyo cidii lahayd waxan uu bixinayo, saxaafada wax garadka ahi waxay ugu yeedhaan isaga iyo faciisa kuwa ah ”dilaaliinta saxaafada iyo siyaasada”. waa kuwo ka dilaala siyaasiyiinta waxayna uga dilaalaan saxaafada waxa ay usheegaan inay gacanta ugu hayaan warbaahinta oo ay wada shaqayn fiical la leeyihiin, waxayna iska dhigaan inay yihiin albaabka laga galo siyaasigaas, waana isku diraha dadka iyo siyaasiyiinta, mararka qaar waxa ay been abuur ka samaynayan madax meel kale waxa ay sheegayaan inay madaxdaasi samaysay khiyaamo qaran balse ma arko inuu ka saas lihi uu sameeyay khiyaamo qabax. suuqa waxa uu gelinayaa inuu saxaafada lacago ku siiyo wararka ay u qoraan hada waxa uu ka lunsadaa tii loogu dhiibay, gebagabadii dilaaliinta saxaafada iyo xarumaha dowlada xisbiyada qaranka iyo ururada maxaliga ah maxaa uga meel yaala weriyeyaasha, warbaahintu ma isku raacsantahay sumcad dilka ay dilaaliintaasi ku hayaan warbaahinta waa handadaad. Qalinkii Suxufiga/abwaanka calimahdi jibriil xasan COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|