Kulan Xasaasiya Oo ay maanta Hargeisa ku yeesheen Beelaha HABAR-MAGAADO iyo Qodobo kasoo baxay. DAAWO sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Xasaasiya Oo ay maanta Hargeisa ku yeesheen Beelaha HABAR-MAGAADO iyo Qodobo kasoo baxay. DAAWO sawiro
August 14, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)’ Kulan Xasaasi oo maanta ay yeesheen beelaha ku abtirsada HABARMAGAADO kulankan oo Qaddo Sharaf ah ay soo abaabuleen Beelaha SUBEER AWAL Ayaa maanta lagu casuumay Beelaha GARXAJIS waxana kulankaasi ka qabsoomay HOTEL AMBAASIDOOR Ee magaaladda HARGEYSA.

magaado 5magaado 2magaado 4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulankan maanta Ayaa ahaa mid QADO Iyo is xog wareysi Oo daba socda Kulan Kan dhigiisa ah oo badhtamihii Bishii Ramadaan Hargeysa uga Qabsoomay Beelaha Habarmagaado Xiligaasina Ay Soo Diyaariyeen beelaha Garxajis sido kalena kulaankasi hore uu ku lamaana mid dhalinyarada labadda beelood Ee garxajis iyo Subeer awal ay yeesheen .

Salaadiin, Cuqaal, Xildhibaan iyo Haldoor kale oo ka kala Socda dhinacyada Beelaha GARXAJIS Iyo SUBEER AWAL Ayaa madashaasi Isku Arkay Kaftan hadalo duur xul iyo dardaaran ubadana Waa laysku Weydaar saday.

magaado 1

Xubnihii Labadda Dhinacba u Hadlay Ee Shirkaasi Ka Hadlay ayaa inta badan Khudbadahooda Diiradda ku saaray Xaalada siyaasadeed Ee Dalka Oo ay Saluug ba’an Ka mujiyeen iyo sidii xidhiidh qoto dheer labadda beelood u yeelan lahayeen iyo Weliba alabari iyo talo ay yeelan Doonaan afarta ardaa ee ku bahoobay HABAR-MAGAADO.

Masuuliyiinti hadalka isaga Kala dambeeyay ayaa Si isku Mid ah carabka ugu adkeeyay in Xaaladda Somaliland xiligan meel Halis ah Marayso loona baahan Yahay in Dalka la badbaadiyo iyagoo xukumadda Taladda dalka haysana ku tilmaamay mid shacbigeeda iridihii aduunyadda kasoo Ooday kuna guuldaraysatay Siyaasadii habsami socodka iyo Horumarka ee Xukuumadihii hore dalka Ku Hagi Jireen.

Waxanay Si weyn udhaliileen siyaasadaha Arimaha Dibadda Iyo Gudaha iyagoona Xusay inay xukumaddu lug ku leedahay Kooxo nabadda iyo qaranimadda Somaliland Dhaawacaya oo maamulo ka samaynaya gudaha dalka kuwaaso qayb ka ah mashruuc bay Yidhaahdeen Dawlada Maraykanku soo Siisay Madaxweynaha Dawlada Maqaar saarka ah ee ka dhisan Xamar.

Geesta kale kulankan ayaa Layskula qaatay in la sameeyo Gudi ka shaqaysa arimaha Xoojinta xidhiidhka iyo Siyaasadda Ee Beelaha HABAR-MAGAADO Waxana fikir kadib loo balamay in kulan kan ka balaadhan Ardaayada Habarmagaado yeeshaan Laguna doorto gudidi Beelahaasi.

Masuuliyiinta kulankan ka qayb galay ee labadda dhinacba ayaa kor udhaafayay 100 xubnood waxana uu kusoo dhamaaday jawi is afgarasho oo degan iyo balanka shirka lagu dooran doono gudi ay yeelan doonaan beelaha Habarmagaado

Waxaa maalmihii udanbeeyay kor u kacay dooda laga qabo in beesha habar magaado shirto kana tashato danaheega,caamka ah iyo isku xidhnaan dhinaca siyaasada ah oo ayna hore ula haan jirin beelahani

Arinta ayaa ah mid horseedaysa dariiq cusub amaba mid lagag takhaluso madaxwayne siilaanyo oo marka hore isagu kursiga ku fuulay isbahaysi beelaysan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS