|
|||||
WAJAALE NEWS
Kufsashada Siyaasada;Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
August 21, 2014 - Written by Editor:Bulshada qaran wada lihi, waa dhab in ay qayb kasta ugu jirto, kaalin , si bulshadaasi u wada gufayso gudaheeda, taas aniga oo ka duulaya waxa aan dorkan aan u qalin qaatay, in aan si dhaba iftiinka aan ugu qabto koox si dhaba ugu guul-daraysatay, halkii ay ugu jiratay bulshadeena, iyagda oo dhankeedii daad weyni uu inaga soo galay, daadkaas oo saamayn weyn ku yeeshay dhamaan meelihii kale. Hadaba kooxdani waa kooxda manta loo yaqaan siyaasiyiinta, oo dhamaan tood aad moodo in ay wada yihiin bac yar oo dabayshu sida ay doonto iyo halka ay doonto ay ku tuurayso, taasna waxa u raaca garasho gudhan oo kuwa wax bartayna aanaay garashadoodu ahayn mid gun-dheer oo hoos u sii qodan, ogaadana dadka aqoonta bartaa waa laba kooxood uun. Koox aqoonta quuta. Waana kuwa wax kasta yaqaan oo kartoomada ugu sareeya aqoonta ka qaatay, se kaliya aqoonta quuta oo barta. Koox aqoontu ay ku nooshahay. Oo ah kuwa aqoonta baratay ee soo saaraya hadaba aragtiyo cusub iyo habab nolosha lagu maareeyo, waana kuwa aanay aqooni la’aantood aanay jirayn. Iyada oo taasi u tahay qormadan salka ay ku fadhiisanayso, waxa aad ka wada dharagsan tihiin in kooxdaasi ay si fool xun ugu guul-daraysatay, kaalintii ay ahayd in ay lib ka soo hooyaan, ileen iyagaa bulshada halkaas ugu jira oo dhufayskaas u fadhiyee, si hadaba aanay u dhadhan beelin aan si toosa hawraarta idinku saafo, iyada oo intii garaadkayga ah aan soo ban dhigi doono halka wax ka weecdeen iyo sida tubta toosan aan ugu soo celin karno, iyada oo mar kasta ay ii tahay cabdale ahaan in dhaliisha aan ku ladho toosinta hadaba sida ay aniga ila tahay, waana mida aan rabo in aan calanka aan u qaado, waayo habka aan ka aragnay ragan manta aan ka sheekaynaayo, waa dhaliisha u miis, taasina waa waxa aan ugu magic-daray kufsashada siyaasada, qormadana aan halku dhig aan uga dhigay, ee dhugasho iyo dheegasho haboon inteeda wacan. Heehaabka siyaasiyiinta. Erayga heehaab waa eray aad u gun-weyn oo loo adeegsado wax aan gun lahayn uu ku qabto dhulka, sidaa darteedna ay hadba gees u tuurayso dabayshu, taas wax ka dhigan ragan manta loo yaqaan siyaasiyiinta oo aad moodo in ay kaba sii fudud yihiin waxaas heehaabaya, hada taasi maaha adiga oo qar jafaaya in aad tubta haboon aad u soo baydho, se ta manta taalaa waxa ay tahay in qar jafidu roon tahay, oo guracu noqdahay guul, halka uu ka noqon lahaa guul-daro, se halkaas waxba ku sii tiigaali maayo, oo idinkaa iigaba aqoon iyo garasho badan, ee kaliya waa xasuusin, iyo in aan bal gujiyo waxa laga yabaa in ay dhabada haboon dhankeeda u dhaqaaqdee. Aniga hebel igu badal. Dhamaanteen waan wada ognahay, kana wada dharagsanahay in dhamaan raga hogaaanka haya iyo raga u xaydanba ay dibada ka hurdaan dhamaan sumadihii lagu yaqaanay hogaamiye dhaba, hadiiba intaasi dhab tahay ma muran baa ka jira in dhamaanteen aan ku wada fashilanay hogaaminta bulshadeena oo talo iyo hiraalba inagaga soo koobantay anigana xil ha la ii dhiibo ama hebel igu badala, ama kan waxa badbadalaaya oo isagu hayb qabyaaladdeed oo qarsoon ku soo fuulay, se hadoodilka guud sheegtay in uu yahay gurgurshaagii lagu wada guuri lahaa ee inta bulshada ugu jilicda sani dhabarkiisa fuuli lahayd ugana dhigi lahaa, halka ay u soo miciin iyo gurmad bidaan. Taas in uu noqdo daaye waxa uu yahay mid xiribaha xiiraty oo wax uu xeerinayaa aanu jirin, kana qaawan dhamaan waxa maamuus iyo milgo la xeeryo, waxana aan sidaas u idhi afka uu ku hadlaayo iyo falka uu samaynayaa maaha laba isku mid ah, ee waa laba kaaf iyo kala dheeri ah, waxana taas marag u ah waxa ay dhamaan kuwada hadaaqaan afar eray oo aad moodo la wada qaybsiiyay, halkii ay ku dhaqmi lahaayeen, aragti iyo hiraal garasho oo ay soo arkeen inooga sheekayn lahaayeen, oo ay halkaas baan u guuraynaa ee bulshooyo waxaas iyo kaas baa la idinka baahan yahay, waana waxa hogaamiyaha dhabta ah lagu garaa, waxa uu arkayaa doogsin caro-san ah oo aan bulshada uu hogaaminayaa dhaadayn waana halka uu u raraayo kuna furaayo bulshadiisa, waan meel laga xaadhay lagana fiiqay qashinka shilinta iyo garaabaydana laga dhibeeyay, kana dhigay gurya-samo, iyo meel naftu hubanti haakah u tidhaa, waxana si gaara aan halkan ugu xusayaa maahmaah uu ka tagay nin masri ah oo qaramada midoobay u shaqayn jiray, oo yidhi hadii aad rabtid in aad samayso waxa ay bulshadu u argot in aan maan-gal ahayn, waa in aad aragtaa wax aanay bulshadaadu arki Karin ( to see the in possible you have to see the in visible ) taasina waa mida kaliya ee hogaamiye lagu garto, laguna soo sumad-sooco. Hadii se uu yahay mid loo laqimo, oo loo yeedhiyo inta xumina u yeedhiso ogaw waa hangoole maaha hogaamiye dhaba. Milgo-tirida magaca dhalinta iyo beelaha. Dhilashada heemaalka ay labadaasi leeyihiin, waa waxa ugu fudud ee ay siyaasiyiinta maantu aanay geedna ugu soo gaban, ee ay hadh-cad dhishaan milgaha iyo maamuuska ay labadaasi wadarnimo ku leeyihiin, taasina waxa ay keentay, in si dhaba ay uga dhigtaan hangoolo ay ku oodaysi tagan siyaasiyiinta maantu.
Hadaba maxaa keenay in ay labadan ay feenfeentaan? Hubaal weeyi oo dhalinta aan ku horeeyee, waa xooga kaliya ee gayigeena manta ka taagan, waxana ay ka yihiin bulshada ugu yaraan 60% (Tira-koob Sugan Maaha) waana xooga dhaqqaajiya bulsho, ee waxa ugu sareeya ee ay rabto u soo jari kara hadii sida ugu quruxda badan loogu gooyo, se hadii la milgo iyo hayalba tiro, soo maaha in aan ka dabarnay bulshadeena awoodii uu dhigii ku gaadhi laha. Hadiiba taas ay u jeedsan lahaayeen siyaasiyiinta maantu saw halka dhigeen haybsaday iyo ka shishaysa calankeena kamaynu dhidibneen, taas mideeda xun ee feedh-taal bay ku dhaqmaan waxa ay ku xodxotaan waa erayo aan hoos u siiridnayn iyo haybnimo, waxa se dhacda in ka mida dhalintaasi in ay u sanqata siyaasiyiintas, iyaga oo ugu carab-laalaadinay aniga ayaa kan iyo kaas kuu dhamayn. Iyada oo taasi tahay mida manta madasha taal, se Cabdale ahaan eeda ugu weyn waxa aaan saaraya dhalinta aan ka midka ahay, waayo? Maahmaah somaliyeed baa tidhaa (dharag gunimo leh gaajo gobanimo leh ayaa dhanta) oo ah cadka yare e mid inaga mida loo tuuraya waa mid haydar iyo jug ku ah hanka iyo himilada aan leenahay ee hooy dhalintaay aan ka dheeraano dharaga la inagu gumaynaayo, waana in aan ka raacno gunta iyo waxa uga hooseeya hebelkan heegada u fuulay in uu hogaanka qabto. Taas dhalinta haysata mid kale ayaa barbar taal oo ah in magaca beeluhu wadaagan, ay u adeegsadaan in ay wadarnimo ku xodxotan, iyaga oo in beeshaas haybta la wadaagta ay ku xoodaaminayaan xil iyo dufan, taasina waxa ay keentay siyaasi walba in uu culayskiisu yahay hadba sida uu gacanta ugu soo dhigi karo beesha uu ka dhashay. Waxana marag cad u ah, raga manta yaacaya waa rag u kala dheeraynaaya in ay culays ku dhex yeeshaan beeshooda, hada garo oo qaran buu siyaasigani raba in uu hogaamiyo, hayb ardaana tubteed buu u maraya. Maxaa keenay waxan? Waa waxa waligeed soo jiray in qof uu hunguri ka galo in uu bulshadiisa hogaamiyo, ee kuweenu waxa ay ka lumen habkii iyo tubtii loo mari jiray, xilka iyo hogaaminta, waxana dhaba sida bulshooyinka dhigeen ah, in ay siyaasiyiintoodu ku tartaraan qorshe iyo hab uu mid kastaa u soo ban-dhigo bulshadiisa, oo uu dhamaan bulshadiisa uu ugu wada raraayo, daaqsin, ee maaha in bulshada inteeda badan wax loo soo ban-dhigo in gaarana wax kale loo soo ban-dhigo, waana waxa manta ka jira qarankeena, oo ay waxa sida dhabta ah loogu dhaqmo. Siyaasi inta aad qudhunka hadba aad far galinayso, marka gacal kula yaabana aad guudkaaga marinayso, ka daa oo noqo mid wax iskula hadha, oo edabta siyaasada si dhaba ugu dhaqma, kana xishooda in uu qudhunka iyo waxa kufsashada ku ah siyaasada ka dheer, hadii se aad habkaas wadato soo garac dhali maysid, ileen habkii iyo hanaankii aad waxa fiican ugu dhali lahayd bulshada aad ka dhalatay waadigan ka tagay ee guraca wax kaga doonee.
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan Bartay Aqoontaka Xeerarka 21/8/2014
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|