|
|||||
WAJAALE NEWS
Kooxo Dablay ah oo Koonfur Afrikaan ku Toogtay Ganacsato Soomaaliyeed
August 5, 2014 - Written by Editor:CAPE-TOWN (Wajaalenews)— Kooxo hubeysan ayaa laba ruux oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ku dilay duleedka magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika. Wararka ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubeysna oo gaadhi wata ay dileen labadan wiil iyagoo ku sugan illinka hore dukaamo ay lahaayeen, iyagoo isla markiibta goobta ka baxsaday, mana jirto wax hanti ah oo ay ka qaateen. Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay inuu ka badbaaday ganaacsade kale dilka labadan wiil loo geystay. “Dableydu waxay wateen gaadhi yar, waxayna soo weerareen saddex ruux oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dukaamada ku leh duleedka fog ee magaalada Cape-town, waxay toogteen laba ka mid hal midna uu baxsaday,” ayuu yidhi ganacsade Soomaaliyeed oo ku sugan isla deegaanka. Booliiska deegaanka oo gaadhay goobta uu dilku ka dhacay ayaanay u suuro-gelin inay qabtaan kooxihii hubeysnaa, iyagoo goobta ka qaaday maydadka labadii ganacsade ee la toogtay. Inkastoo aysan noo suuro-gelin inaan helno magacyada labadan wiil ee lagu dilay dalka Koonfur Afrika, ayaa haddana waxaa sannadihii ugu dambeeyay kusoo kordhayay dalkaas dilalka lagu hayo ganacsatada shisheeyaha ah ee dalkaas ku nool. Bishii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay dhowr ganacsato Soomaaliyeed iyadoo kuwo kalena la dhaawacay, sidoo kalena waxay kooxaha hubeysan ee beegsada ganacsatada boobeen dukaammo ay ganacsato ajaanib ah ku lahaayeen deegaanno ka baxsan magaalooyinka. Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo ka cabanaya dilal ay u geystaan dadka madowga ah ee dalkaas ku nool, iyagoo beegsigooda ku macneeyay kuwo ku saleysan isir-nacayb
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Ciidamo Kasoo Goostay Kooxaha Huwanta ah Ee Ka Dagaalamaya Laascanood Oo Kusoo Biiray Ciidamada Qara... Jahawareer Ka Taagan Dekeda Berbera+Maraakiib Raran Oo Bil Ku Dhawaad Ku Xanniban Dekeda,Magacyada M... DR Cabdiwali Oo Si Qotodheer Usharaxay Saamaynta Ay Isticmaalka Baraha Bulshadu Ku Yeeshaan Qofka! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|