|
|||||
WAJAALE NEWS
Kooxda Arsenal Oo Ku Guulaysatay Koobkeedii Labaad Ee Community Shield una Awood Sheegatay, Man City
August 10, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Kooxda Arsenal ayaa manta u awood sheega tahay kooxda ay isku wadanka yihiin ee Man City ciyaartan oo ahayd mid final ah oo si wayn loo soo agaasimay laguna ciyaarayey garoonka weyn ee Wembley taasoo ahayd finalkii Communatiy Shield. Koobkan ayaa loo qabtaa labada naadi eek ala qaada koobka horyaalka dalka iyo kooxda qaada koobka loo yaqaan FA Cupka kooxda Arsenal ayaa ah koox mudo 9 sanadood aan koob qaadin ayaa markii ugu horeysay qaaday koobka FA Cupka iyadoo maantana qaaday koobkeedii labaad sanadkan taasoo guul fiican u ah kooxda Arsenal iyadoo sidoo kale ah kooxda saddexaad ee ugu badan koobkan iyadoo hore u qaaday 12jeer ayaa maantana u awood sheegatay kooxda wayn ee Man City. Koobkan ayaa la ciyaaraa inta ka horeysa ee aan la bilaabin horyaalka dalka Engiriiska ayaa ahayd mid la wada sugaayey iyadoo la saadaalinaayey in ay kooxda Man City ay badin doonto taasoo ka turjumaysay in kooxda Arsenal laga awood wayn yahay ayaa manta noqotay mid been ah iyadoo ay kooxda Arsenal manta la soo baxday awood dheeraad ah inta badana ay gacanta ku haysay ciyaarta iyadoo maamulka kubada inta badan ay kooxda Arsenal gacanta ku haysay iyadoo sidoo kale soo ban dhigtay ciyaar aad u qurux badan. Arsenal ayaa daqiiqadii 21 heshay goolkeedii koowaad ee qaybtii hore ee ciyaarta goolkaas oo uu dhaliyey Santi Cazola iyadoo uu baaska u soo dhigay Jack Wilshire isla qaybtii hore ee ciyaarta ayey Arsenal heshay goolkeedii labaad iyadoo uu dhaliyey gool qurux badan Aaron Ramsey qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2:0. Markii qaybtii labaad ee ciyaarta la isku soo noqday ayaa koox waliba la timid farsamadii iyo awoodii ay lahayd koox waliba in kastoo ay Man City wax badan ciyaarta ka bedashay ayaa hadana ayna waxba iska bedelin Arsenal oo ay ahayd mid sideedii hore kubada u maamusha markii uu wakhtigu mareyey daqiiqadii 62 ayey arsenal la timid gool saddexaad waxaana u dhaliyey laacibka afka hore uga ciyaara ee Olivier Giroud kaasoo Man City u quus gooyey halkaasna ay Arsenal ku hantiday koobkii. WAJAALENEWS DESK DIYAARIYE Maxamed Cali Mataan Related posts:Sidee Ayey Ku Yimaadeen Toddobada Gobol Ee Magacaaban, Walina Aan Golaha Xeer Dejintu Ansixinin? Madaxweynaha Jsl Oo Gudoonsiiyey Billado Ciyaaryahan Cabdicasiis Gacan Oo Dhaawac Kaga Maqnaa Ciyaar... Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Kursiga Muranka Dhaliyaay Ee Ka Banaan Golaha Wak... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|