|
|||||
WAJAALE NEWS
Kenya Oo Xaddidaysa Saacaddaha Dadkeedu Qaadka Cuno .
August 23, 2014 - Written by Wariye:Nairobi(Wajaale News):-Dawladda Kenya ayaa wada Qorshe cusub oo lagu xaddidayo saacadaha Qaadka la Cuno. Hay’adda Kenya qaabilsan la dagaalanka Maandooriyaha ee Nacada, ayaa sheegtay in Saacadaha qaadka la cuni karo laga dhigayo Shanta(5:00) Galabnimo ilaa tobanka(10:00) Habeenimo,xiligaa wakhti aan ahayn ama ka badan cida cuntanada sharciga la hor gayn doono.Gudoomiyaha Hay’adda Nacada Mr Maxamed Fazul, ayaa sheegay in Qaadka ay ku jiraan laba Maado oo Maskaxda dadka Qaadka Cuna Saamayn ku yeesha, isagoo sheegay in si loo xakameeyo Waxyeelada qaadka la yaraynayo wakhtiga la cunayo.Afhayeenka Guddida ganacsatada qaadka ee Kenya Kimanthi Munjuri, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan yaraynta wakhtiga la qayilo, isagoo tilmaamay in dadka isticmaala Qaadka wakhti badani kaga baxo cunista qaadka, isagoo intaasi raaciyay in dadka qaar maandooriyeyaal kale la isticmaalaan qaadka.Dhinaca kale Xildhibaan Omar Mwinyi, oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa ku taliyay in qaadka gabi ahaanba la mamnuuco. Waxa uu sheegay inaan Go’aanka hay’adda Nacada ku filayn waxyeelada dadka ka soo gaadha qaadka. Waxa uu tilmaamay in qaadku burburiyay qoysas badan oo Muslimiin ah oo Soomaali ku jirto.Dalka Ingiriiska ayaa hore iskaga joojiyay qaad badan oo Kenya uga tagi jiray, iyadoo wakhtigana Qaad badani maalin walba Somalia uga yimaado Kenya. Kenya ayaa dhaqaale badan ku qabta Qaadka balse xakamaynta dadkeeda ay ku soo rogtay ayaa tusaale u ah inuu dhibaato badan ku hayo Soomaalida loo soo dhoofiyo
Hargaysa Office Wajaalenews.net Email:habane00@gmail.com Waariye:Abdiqadir Abdirahman Habane Related posts:Dawladda Kenya Oo Sheegtay In Mid Ka Mid Ah Raggii Weeraray Jaamacadda Garissa In Uu Dhalay Caaqil S... Faadumo Siciid oo Ka Hadashay Fashilka Xukuumadda Madaxwweyne Biixi, Is-adkaynta Guddiga Doorashada ... DAAWO; Salaadiyiinta ,Mujaahidiinta Iyo Badi Haldoorka Beesha Habar Awal Oo ,Mawqif Adag ka Istaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|