Jinka Gaalka Ah Quraanka Ayaa Guba,Mucaaridka Dalkana Horumarkaa Guba. ‪Cheif Caaqil Maxamed Cawad Gacanlow‬ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jinka Gaalka Ah Quraanka Ayaa Guba,Mucaaridka Dalkana Horumarkaa Guba. ‪Cheif Caaqil Maxamed Cawad Gacanlow‬
August 21, 2014 - Written by Editor:

Anigoo Ah ‪Cheif Caaqil Maxamed Cawad Gacanlow kana Hadlaya Warbixin Maalintii Shalay Ahayd kusoo Baxday wargayska Ogaal 19 Og 2014 oo ay qoreen isla markaana xildhibaano niman sheegtay ay ku sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen Wasiirka wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Mud,Maxamuud Xaashi Cabdi

Hadaba waxaan ku bilaabayaa Maah maah hore u baxday oo odhanaysay Ninkii Dalka Ka Baxayee,Dibad uga dhoofee,Afrikana u Doodoow,Deelaydu Waa shaxe Sowdigaa Cidlada Degay

Xildhibaanadani waxaa ay ahaayeen nimankii loo doortay sharci dejintii dalka,waxaana la sheegay in qaarkood ay kasoo baxeen jaamacada sharciga ugu sareeya qaarada yurub,tani hadaba waxaa ay noqonaysaa yaabka yaabkiis iyo lama arag.

Akhriste bal isweydii su’aalahan marka ay leeyihiin kalsoonidii ayaan kala noqonay wasiirka ama xilkii baanu ka qaadnay maxay ula jeedaan? Tolow Ma Iyagaa Magcaaba Oo Erya Wasiirada? Ujeedadoodu Maxay Tahay?

Waxaa Hore Loo yidhi Cilmi bilaa diin ah waa Dooni Bilaa Naakhuude ah

Hadaba waxaa marag madoon ah in xukuumadani tahay tii shacabku doorteen,kuna raaceen waxqabadkii ay u balan qaaday ee ay misana u fulisay mudadii yarayd ee ay xilka haysay.

Dhamaanba wasiirada xukuumada madaxweyne siilaanyo waxaa ay kasoo baxeen xilkii bulshada loogu dhiibay waxaana ay muujiyeen waxqabad dhab ah oo aan la iska indha tiri Karin

Inkastoo shaqo wacan la qabtay hadana waxaa xus iyo xusuus mudan wasaarada duulista iyo hawada iyo wasiir maxamuud xaashi oo ka mid noqonaya afarta wasaaradood ee horyaalka u haya wasaaradaha qaranka somaliland kuwaasi oo tusaale loo soo qaadan karo horumarka dowladu ku talaabsaday.

Maxamuud Xaashi cabdi waa wasiir daacad,karti,aqoon iyo waaya aragnimo isku darsaday,isla markaana indheer garad ah sidoo kalena isku kalsoon haybad iyo sharafna ilaahay ku manaystay isagoo dhanka kalena markuu xilkiisa kasoo baxay qabta hawlo shaqo kasta oo kusoo baxa xukuumada uu ka tirsan yahay.

Waxqabadka uu wasiirkani fuliyay waxaa hor ilaahay u marag furay boqolaal kun oo qurbajoog ah oo dalka yimi,ganacsato,hayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba iyo shacabka xidhiidhka la leh madaarada dalka oo la tartamay kuwa wadamada hore u maray ee yurub iyo aasiya.

Waxba yaanu xeerkay I Marin Xoolana I Siine,Xaashee Nin Libin Kaa Xistiyay Xumihii waa Yaab.

Waxaan soo xusuustay xiligii xisbiga talada dalka haya ee kulmiye uu ku jiray ololihii doorashada madaxtooyada kaasoo ay ku guulaysatay isla markaana markii ay dalka la wareegtay waxay isla markiiba mushaharaadkii u laban laabtay shaqaalihii dalka oo dhan kuwaasi oo qaadan jiray wax ka yar 50 dolar oo ahayd 300 sh,sl

Xukuumadu iyadoo taasi ka dhiidhiyaysa ayaa ay soo jeedisay in baarlamaanku ay ansaxiyaan mushahar kordhinta shaqaalaha balse nasiib daro golaha baarlamaanka taasi waa ay is hor taageen waxaana ay ku dhawaaqeen in iyaga loo kordhiyo lacagta loogana dhigo 1500 dolar waana ay fushadeen hawashoodii waxaana halkaasi kaaga muuqanaysa inaanay jirin dal iyo dad ay lexejeclo ka qabaan

Damiir Xumadooda Askariga ilaaliya golaha ay joogaan ee albaabka fadhiya miyaanu u baahnayn lacag ku filan qoyskiisa halka ay iyagu leeyhiin naguma filna 1500 dolar isagana miyay ku filan tahay 80 dolar,intayse kordhisanayaan may u kordhiyaan kan hor fadhiya ee askariga u ah amaankoodana sugaya Aduunyooy Xaalkaa Ba.

Ugu Danbayntii waxaan leeyahay oo aan hadalkayga kusoo afmeerayaa Xildhibaan Raytoow Adeer Adiga Laftigaaga Beeshii kusoo dooratay Ayaa kaala noqotay Kalsoonidii oo Waad ogayde Maxaad Kalsooni Kala Noqon Taadii Horta Bal Raadi oo Dib U Soo Celi Markaas Cidadd Awood u leedahay inaad kalsoonida kala laabato kala noqo.

Waxaa Hore Loo yidhi

Goonbaartu Waxay Caasidaa Midaanay Gaadhayne,

Gadh ma layte goolaaftankuu Garac IS Moodaaye,

Gosol Is Mooday Gaadeeriyadii Guban Ku Naaxdaa

 

By Cheif Caaqil Maxamed Cawad Gacanlow

COMMENTS
LINKS