|
|||||
WAJAALE NEWS
Jaraa’idada Caalamku Maxay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyada.
August 1, 2014 - Written by Editor:HARGEISA (Wajaalenews);Warar aynu idiinkaga soo uruurinay jaraa’idyada ku mashquulsan kubadda cagta iyo waliba suuqa kala iibsiga ayaanu maanta idiin haynaa anagoo isku daynay inaan kuwooda ugu qiimaha badan aad ka heli kartaan: ***Aynu ku biloowno kooxda AC Milan ayaa u dhaqaaqday sideey ku hanan lahayd laacibka da’da yar ee Arsenal ay milkiyadiisa leedahay ee wacdaraha ka dhigay koobka Aduunka Joel Cambell. AC Milan waxay daawanayaan gooldhaliye Joel Cambell oo haatan ka qeyb qaadanaya kulamada Emirates Cup, Naadigan ka tirsan horyaalka Serie A-da ayaa quud daraynaysa ineey si amaah kula soo wareegto ciyaryahanka xulka qaranka Costa Rica, laakin waxaa laga yaabaa in Benfica iyo Monaco ay kaash ku iibsadaan taasoo caqabad ku noqon karta doonista AC Milan. Waxaa sidaasi daabacday: Daily Telegraph ***Kooxda Arsenal ataa isha la raacaysa ciyaaryahan Arbeloa oo ka mid ah xidigaha Real Madrid kursiga keydka u fadhiya. Alvaro Arbeloa ayay Arsenal doonaysaa ineey ku badashaan Thomas Vermaelen hadii uu xagaagan uu ku biiro kooxda Manchester United oo siweyn u doonaysa. Waxaa sidaasi qortay wakaalada wararka AS. ***Vidal ayaa tijaabada caafimaad u maray kooxda Manchester United, warar aan la hubin ayaa sheegaya in €60milyan ay Manchester United kula soo wareegeen laacibkaan. Waxa loo fadhiya ayaa ah in labada kooxood ee Juventus iyo Man United ay wada gaaraan heshiis kama danbeys ah.Waxaa sidaasi soo qortay: Metro ***Naadiga Juventus ayaa kusoo biirtay doonista difaaca xulka Holland Vlaar, laacibkaan oo usafta kooxda Aston Villa. Ron Vlaar ayaa heshiiskiisa ugu harsan yahay sannad qura waxaana dhici karta in kooxdiisa ay kusii deyso £8milyan, kooxda horyaalka Talyaaniga ayaa tartan kala kulmi doonta kooxo badan oo Yurub ka tirsan. Waxaa sidaadi daabacday: talkSPORT ***West Ham ayaa kor u qaaday doonisteeda xidiga madax banaanka ah ee Samuel Eto’o kaasoo ay si weyn u doonayaan kooxaha qaarada Yurub ugu tunka weyn. Laacibkaan ayaa dalbaday in todobaadkiiba loosoo gacan galiyo aduun dhan £120,00, taasoo kooxda West Ham ay ku adkaan doonto sideey ugu balan qaadi lahayd mushaarkaasi tirada badan. Waxaa sidaasi qortay: Daily Mirror ***Weeraryahanka PSG Lavezzi ayaa ku jira kala doorashada kooxaha Juventus iyo Liverpool oo codsiyo kala duwan ukala Liverpool ayaa war cad ka heshay doonisteed xidiga PSG Ezuiel Lavezzi kaasoo door bidaya inuu ku laabto dalka Talyaaniga iyo magaalada Torino ay ka dhisan tahay kooxda Juventus. Livepool ayaa doonisteeda ku mujisay sida ay dhab ugu tahay iyadoo miiska saartay aduun dhan £18m ka dib markii ay ku guuldaraysatay Loic Remy oo tijaabada caafimaad ku guuldaraystay .Waxaa sidaasi qoray: The Independent. ***Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa tilaabooyin horumar leh kor ugu qaaday doonistooda ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Reus oo ay si weyn uwada doonayaan. Manchester United iyo Liverpool oo isku haysta ciyaaryahankan ayaa keentay markii Borussia Dortmund laga war helay ineey badalka Marco Reus ay gorgortan kula jirto kaasoo ay dhawaan laga yaabo ineey kala soo wareegaan Adem Ljajic. Waxaa sidaan qortay: Daily Express ***Naadiga Napoli madaxweynaheeda Aurelio De Laurentiis ayaa xaqiijiyey ineey si weyn u doonayaan laacibka flop-ka noqday ee kooxda Manchester United Marouane Fellaini, oo da’diisu tahay 26, Aurelio De Laurentiis ayaanan ka gaban doonista wiilka timaha weyn haatanse iska xiiray Fellaini wuxuu kaloo odaygaan xusay in liiska ciyaattooyda ay doonayaan uu aad u dheer yahay dhawaana ay lasoo wareegi doonaan. Sidaasi waxaa lagu soo dhajiyey Daily Telegraph. ***Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa diyaar la ah £14m si uu ula soo wareego kubad qaabeeyaha Manchester United Shinji Kagawa, oo 25 jir ah. Diego Simeone ayaa durba wakiilo u diray maamulka United iyo ciyaaryahanka kaasoo suuqa laso dhigay kuna doonaya inuu ka faa’ideysto ciyaaryahankan aan booska ka helin Tababare Van Gaal. Waxaa warkaa qortay. Daily Express WAJAALENEWS DESK SPORTS NEWS DIYAARIYE Maxamed Cali Mataan EMAIL;Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|