Jaceylka Dhabta ah Dhamaadkiisa Waa Sidan:Lamanayaal 64 sano is Qabay Oo Geerida Xitaa ku kala Hadhi Waayay; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaceylka Dhabta ah Dhamaadkiisa Waa Sidan:Lamanayaal 64 sano is Qabay Oo Geerida Xitaa ku kala Hadhi Waayay;
August 15, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;Waxaa Qoray: Mohamed Qadar Ibraahim Dahir Jaceylka dhabta ah wuu cimri dheeryahay dhamaadkiisana waa ilaa dhimashada. U fiirso lamaanahan 64 sano isqabay xitaa dhimashada waa ay ku kala hadhi waayeen. Don iyo Maxine Simpson ayaa wada dhintay todobaadkii saacad gudaheed waxbadana uma dhaxeen iyagoo saaran sariirta bukaanka waliba iyagoo gacmaha iska heysta,waxaana ay nafta deystay iyagoo sidaas ah waana saacadoodii ugu dambeysay dunida. Melissa Sloan oo u warameysay KERO-TV ayaa sheegtay in ayeeyadeed ay dhimatay marka hore markaas oo inta meydkeeda laga saarayay qolka uu isagana soo daba raacay ninkeeda oo nafta ay deysay isaguna. “Don waxaa uu doonayay inuu naagtiisa quruxda badan la joogo,ayeeyadey wuu jeclaa,waxaana uu jeclaan lahaa ilaa dhamaadka dunida ayey ku dartay hadalkeeda. Don waxaa uu jiray 90 sano halka Maxine Simpson ay jirtay 87 sano waxaa ay ku kulmeen Bakersfield oo ka tirsan Calafornia,hadii ay saacad gudaheeda nafta ugu wada baxdayna isla sanadkii ay kulmayeen oo ahaa 1952 ayey is guursadeen,cajiib. Don waxaa uu la shaqeynayay ciidamada Mareykanka,labadooda lamaane waxaa ay waqti ku qaateen Germany halkaas ay ku soo korsadeen wiil 18 sano jir ah oo agoon ahaa. Bakersfield ayey dib ugu soo laabteen oo aheyd halkii ugu horeysay oo ay ku kulmeen kuna dhinteen waliba saacad iskumid ah. Waa

Siwarada lamaanaha waxa qoray : Abu akram

lamaane 3lamaane 1

lamaane 2

COMMENTS
LINKS