Jaaliyada Reer Jabuuti Dalka maraykanka oo Madaxwayne geele Mudaharaad Kala Hortagay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada Reer Jabuuti Dalka maraykanka oo Madaxwayne geele Mudaharaad Kala Hortagay
August 8, 2014 - Written by Editor:

Minnesota(Wajaalenews);.Madaxwaynaha dalka jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa waji gabax kala kulmay kulan uu lalahaa jaaliyada reer jabuuti ee kunool dalka maraykanka kuwaasi oo halki uu kulan sugayay la horyimid mudaharaad ka dhan ah kaasi oo ka dhacay huteelkii u daganaa

 

Dadkan mudahaaradka samaynayay ayaa waxay ku eedeeyeen in uu yahay digtaytar baabiyay shacbiga reer jabuuti kuna kacay waxyaalo ka dhan xuquuqda bili,aadtinimada,

Madaxwayne geele ayaa mar danbe la kulmay Woxogaa dad reer Somaliya ah,

waxaana xusid mudan in dadka reer jibouti aad ay ugu yaraayeen. iyagoo mudaharaad ka dhigayay huteelkuu degenaaa hortiisa. Isla maanta waxa kale oo laga mudaharaaday xaafad kamida xaafadaha Belbela, Djibouti oo iyana lagu taageerayay mudaharaadka Minnesota. Waxa kale oo uu ku guuldaraystay in uu la kulmo nadaxda maraykanka ee xisbiga Republican ka….waxa usuurto gashay in uu la kulmo kuwa xisbiga demuqraadiga. waxaana gabi ahaanba fashilantay kulanadii uu kusoo talo galay.

Dhanka kale dadka kasoo qaybgalay kulan qabyada ahaa ayaa u badnaa dad kasoo jeeda beelaha hawiye, gaar ahaan xawaadle oo kala hadlayay ciidamadiisa jooga hiiraan

Waxa kale oo diiday inay kulmaan jaaliyada . Reer somaliland ee ku nool dalka maraykan haba yaraatee.waxaana lafilayaa in Guul darro weyn ayaa meesha uga soo hoyatay. wuxuuna Isla maanta dib uga cararayaa Minnesota.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COMDibadbax_Jabuuti_1

COMMENTS
LINKS