|
|||||
WAJAALE NEWS
Isku-buuqa wakhtiga shaqadda oo kor u qaada khatarta in xannuunka macaanku ku haleelo.
August 18, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Daraasad balaadhan oo la sameeyey, ayaa lagu oggaaday in badanka dadka isku buuqa wakhtiga ay ku guddo jiraan shaqadu ay tahay 45%, taasoo kor u qaada korodhka khatarta inay soo foodsaaraan xannuuno farabadan oo ay ka mid yihiin wadne xannuun, faalij iyo indho la’aan. Qabashada shaqo ka badan saacaddaha uu qofku awooda u leeyahay waxay kor u qaadaa khatarta inuu soo foodsaaro nooca labaad ee xannuunka macaanka, xataa haddii miisaanka qofku aanu ahayn mid xad dhaaf ah, sidaana waxa lagu caddeeyey daraasad cusub oo dhawaan la sameeyey. Haddaba, daraasadan oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska, iyadoo lagu oggaaday in dad ka badan saddex milyan oo qof oo ku nool dalka Ingiriiska ay qabaan xannuunka macaanka, taasoo haddii waxyaabaha keena ay sidaas ku sii socdaan ay sannadka 2025 dadka qaba xannuunka macaanku ay gaadhi doonaan ilaa afar milyan oo qof iyo sannadka 2030 dadka ka badan shan milyan oo qof ay sidoo kale food saari doonto xannuunka macaanka. Si kastaba ha ahaatee, daraasadan oo lagu daabacay wargeysyadda qaybta caafimaadka ee Psychosomatic Medicine, ayaa inytaas ku daray in dadka inta badan isku buuqa wakhtiyadda ay shaqeynayaan, iyaga oo caddaadis badan ka dareemaya wakhti dheeraad ah oo ay shaqada ku jiraan ay halis u yihiin inay 45% soo foodsaaro xannuunka macaanka qaybta labaad iyo in qofka shaqaalaha ah uu welwel badan ka qaado masuuliyada kolba loo igmado inta ay le’eeg tahay, taasoo daraasadan lagu oggaaday in shaqaallaha aan hawlo badan ama masuuliyad weyn hayn ay aad halis ugu yihiin xannuunkan, iyadoo dhinaca kaleana daraasadu ay xustay inay jiraan waxyaabo kale oo ka qaybqaadan kara in qofku uu ku dhaco xannuunka macaanka, taasoo ay ku tilmaameen inay qayb ka tahay mushkiladdaha qofka ku xayndaaban oo kaalin weyn ka qaadan kara in xanuunkaas haleelo. Related posts:Ex: Madaxweyne Daahir Riyaale oo Ka Hadlay Tabashada Reer Awdal Ay Ka Qabaan Saami-qeybsiga Kuraasta... Madaxweynaha Somaliland Oo Xisbiga WADDANI ka Guddoomay Xubinta Guddida Doorashooyinka ku Matalaysa... DAAWO;-Barnaamijka Xogta Dahsoon Iyo Sababta Cuduradu U faafeen 1720, 1820, 1920, 2020, Mu'aamarad W... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|