Hooyada Ugu Gaaban Somaliland Oo Lagu Qalay Ilmihii Lixaad+ DR Aw Koombe Oo Ka Warramay Xaaladeeda Cafimaad Iyo Taageerada Ay U Baahan Tahay; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hooyada Ugu Gaaban Somaliland Oo Lagu Qalay Ilmihii Lixaad+ DR Aw Koombe Oo Ka Warramay Xaaladeeda Cafimaad Iyo Taageerada Ay U Baahan Tahay;
August 12, 2014 - Written by Editor:

“Ilmahan Lixaad Ee Foosiya Dhashay Waa Ilmo Dheer Oo Caadi Ah Oo Maaha Kuwii Gaagaabnaa Ee Iyada Oo Kale Ahaa”- Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw-koombe)

****************

“Caafimaadkayga iyo intaa carruur aan dhalayo ka dheer ilaa ka gaaban iyo ilaa intii ilmaha aan calooshada ku siday Waxa Iga Caawiyey Dr. Cabdiraxmaan Oo wuu la socday caafimaadkayga, awoodayda, ilmaha dherarkiisa ilaa waqtiga dhalashadiisu ku eegtahay, Ilaahay ka abaalmariyo taageeradaa uu ii fidiyo”-Hooyo Foosiya Muuse Xasan (Foosiya-Gaabo)

Hargeysa (Wajaalenews)- Hooyo Foosiya Muuse Xasan (Foosiya Gaabo) oo gabadh ka mid ah dadka gaagaaban ee loo yaqaan cududka oo danyar ka dawarsata suuqyada magaalada Hargeysa, ayaa lagu qalay ilmihii lixaad ee ay dhasho maanta.

awkoonbe 2

awkoonbe 2

Haweenaydan oo dhererkeeda gaaban dartii aan si caadi ah u dhali karin in lagu qalo mooyee, ayaa mar kale ilmihii lixaad lagu qalay cusbitaalka gaarka loo leeyahay Gargaar ee magaalada Hargeysa, halkaas oo iyada iyo ilmo gabadh ah lagu baxnaaninayo caafimaadkooda.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw Koombe) oo hore si mutadawacnimo ah u fuliyey dhammaan qalliinnada Foosiya Gaabo ku dhashay lixda carruur ah, ayaa xaaladeeda caafimaad uga warramay weriye ka tirsan Jamhuuriya oo ku booqday cusbitaalka Gargaar kadib qalliinka, waxa uu yidhi, “Saaka oo taariikhdu 12-ka bisha August 2014, waxaannu halkan qalliin ugu samaynay marwadeenna caanka ah ee Foosiya Gaabo, waa qof aynu ka wada dheregsanahay oo muddo badan aannu la soo tacaalaynay annaga iyo dadweynuhuba, waa qof iska dafiic ah oo danyar wax alla waxay adduun haysataa jirin. Waxa mar kasta cusbitaalka Gargaar si bilaa lacag ah aannu ugu samaynaa qalliinka, dawooyinka iyo dhammaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan tahay. Markaa iminka caafimaadkeedu aad buu u fiican yahay iyada iyo gabadheeda yarba.”

Foosiya Gaabo iyo ilmaha lixaad ee ay dhashay oo cusbitaalka jiifa

Foosiya Gaabo iyo ilmaha lixaad ee ay dhashay oo cusbitaalka jiifa

“Ilmahan lixaad ee Foosiya dhashay waa ilmo dheer oo caadi ah oo maaha kuwii gaagaabnaa ee iyada oo kale ahaa,” ayuu yidhi Dr. Cabdiraxmaan Aw-koombe.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi waxa uu bulshada afka Soomaaliga ku hadasha ugu baaqay in la soo caawiyo Foosiya Gaabo oo ah danyar ku tiirsan taakulada dadweynaha, “Waxaannu ugu soo bandhigaa warbaahinta iyo dadweynahaba si ay uga qaybqaataan mucaawanada ay u baahan tahay marwo Foosiya iyo carruurteedu, markaa dadweynaha Soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan waxaan ku boorin lahaa oo aannu ka codsanaynaa inay soo taageeraan oo wixii ay u heli karaan u soo diraan.”

Dr. Aw-koombe oo weriyuhu waydiiyey ilaa inta Foosiya Gaabo lagu sii samayn karo qalliimo kale iyo inay caafimaadkeeda waxyeelayaan, waxa uu yidhi, “Horta dad muslim ah ayeynu nahay, diinteennuna waxay inaga xaaraantinimaysay in carruur loo dhaliwaayo walwal wax la’aan darteed. Foosiya caafimaadkeeda iyo makaankeedu aad bay u fiican yihiin ilaa qalliinkan lixaad ee aannu ku samaynay wax dhibaato ah oo aannu kala kulanay ma jirto, ilaa toban carruur ah wuu gaadhsiin karaa caafimaadkeedu, markaa in aynu kala korrinno carruurta mooyee joojinta diinteenna ayaa inoo diidaysa, had iyo jeerna sida aannu u samayno laba ilaa saddex sanno ayaa u dhexeeya labadii carruur ah ee ay dhashaba.”

Dr. Cabdiraxmaan Aw-koombe waxa uu sheegay in wixii taakulo ah ugu hagaajinaya hab-xisaabeed uga furan shirkadda Dahabshiil oo lambarkiisu yahay: 141950, sidoo kale, waxa Foosiya Gaabo lagala xidhiidhi karaa telefannkeeda gacanta oo ah Telesom: 0633553860.

Dhinaca kale, Foosiya Muuse Xasan (Foosiya Gaabo) oo weriyuhu ku booqday qol cusbitaalka Gargaar ka mid ah oo la dejiyey, ayaa uga mahadcelisay Dr. Aw-koombe iyo cusbitaalka Gargaar adeegga ay u fidiyeen.

“Caafimaadkayga iyo intaa carruur aan dhalayo ka dheer ilaa ka gaaban iyo ilaa bustayaashan aan huwanahay waxa iga caawiya Dr. Cabdiraxmaan, intii ilmaha aan calooshada ku siday wuu la socday caafimaadkayga, awoodayda, ilmaha dherarkiisa ilaa waqtiga dhalashadiisu ku eegtahay, Ilaahay ka abaalmariyo taageeradaa uu ii fidiyo.

Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa guud ahaan dadweynaha iyo jaaliyadaha dibadda taageerada ay ii fidiyaan, Ilaahay ha idin barakeeyo,” ayey tidhi hooyo Foosiya Muuse Xasan (Foosiya Gaabo)

 

COMMENTS
LINKS