Heshiiska Siilaanyo iyo Muse Biixi Hal Bacaad Lagu Lisay: Maxay ku Heshiiyaan Ee Isuga Hadhay By-Osman Abdillahi Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiiska Siilaanyo iyo Muse Biixi Hal Bacaad Lagu Lisay: Maxay ku Heshiiyaan Ee Isuga Hadhay By-Osman Abdillahi Sool
August 8, 2014 - Written by Editor:

Salaan aan niyo ahayn Gacmahan la isa saaraayo….. Sideed-lahan Sagaalaha Hadhiin Saaniga-u-ridaya. Raanidan sabooshee lixluhu sabansabdhaynaayo…..Yaakahan Sukaha laga degay ee Seeftu kor qaaday…. Siyaasadan ninkii soo unkamay saaka ku hungoobay siday noqon? Muse biixii Dameer dabadii ayuu ka degay….. jawaabtuna waxa ay ku arooraysaa meel u dhaanta ayuu waayey, isla markaana Gacanta uu heshiiska u soo taagayo, waxaba kuma lifaaqna….. Taageerayaashiisii Shaanida u qarxin jiray iyo Tolkii-ba mar hore ayey ka guureen. Mr. Biixi xaalkiisu waa ku maxaafso Gudoomiynimada lagu gilgilaayo. Mudane Siilanyo tiisu waxaay u dhacaysaa…Muse maan la legdamin ee xag ayaan u daayey. Aniguna shakhsiyan waxa aan u arkaa Siilaanyo Muse muu legdin ee kulmiye ayuu legday oo uu kala diray. (Canfaray firirig) Shacabka Reer Somaliland Iminka kulmiye wuu ka kolanyeystay, kana jahaystay, si dhab ah ayaanu uga guuray. Roob Galbeed nin-ka rajo ka sugaa isaga ayaa Quusa. Gacmahan is dhaafdhaafayaana waxba ma soo kor dhinayaan. Qainka ma daalinaayo oo kulmiye iyo Xukuumadiisa Faashilka ah Wakhti ku lumin maayo, waayo waxa kaaga filan Xaalada Go’doonka ee dalku ku jiro. dalka maanta meel u fayoobi ma jirto…. Waxaa leeyahay (Kulmiye…. Ka Bax Minanka Jiilaal).

By: Osman Abdillahi Sool. Copenhagen. sooldhuub@hotmail.com

COMMENTS
LINKS