HALKAN KA DAALACO: Ujeeddada Hawl-gal Noociisu Ku Cusub Yahay Hargeysa Oo Xilli Habeennimo Ah Ay Xukuumadda Somaliland Ka Fulisay Huteellada La Seexdo Ee Caasimadda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HALKAN KA DAALACO: Ujeeddada Hawl-gal Noociisu Ku Cusub Yahay Hargeysa Oo Xilli Habeennimo Ah Ay Xukuumadda Somaliland Ka Fulisay Huteellada La Seexdo Ee Caasimadda
August 17, 2014 - Written by Editor:

LAANTA SOCDAALKA WAJAALE

Hargeysa (W.N)- Ciidanka Laanta Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay hawlgallo kedis ah ka fuliyey xalay dhammaan hudheellada la seexdo ee ku yaal caasimadda Hargeysa.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Col. Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in ciidankiisu u baxeen xalay fiidkii hawlgal lagu baadhayo dadka seexda hudheellada hurdada ee magaalada Hargeysa, balse taliyuhu wax tafaasiil ah kama bixin ujeeddada hawlgalladaas iyo sababaha keenay in xilli habeennimo ah la baadho hudheellada la seexdo.
Maxamed CambaroHaseyeeshee, xogo Jamhuuriya ka hawlgalkaas oo bilaabmay abbaaro 7:30 fiidnimo, ayaa tibaaxay in tallaabadaas oo ah mid ku cusub dalka ay ka dambaysay la xidhiidho sugidda ammaanka guud ee caasimadda iyo tuhunno laga muujiyey dadka socotada ah ee hudheellada deggan.
Hawlgalka ciidanka socdaalka Somaliland qaadeen oo socday illaa saqdii dhexe ee xalay waxa si adag loogu baadhay dadka socotada ah ee deggan hudheellada la seexdo, iyadoo qof kasta oo hudheel seexda la weydiinayey aqoonsi lagu garto iyo raad-raaciisa. Ilaa hadda si cad looma oga natiijada ay ku dhammaadeen hawlgalladaas oo ah kuwii ugu horreeyey noocooda ee ciidammada socdaalku xilli habeennimo ah ka fuliyaan hudheellada la seexdo ee magaalooyinka Somaliland.

COMMENTS
LINKS