Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Qabsashada Somaliland Ee Saax-dheer iyo Saamaynta Ay Somaliland Ku Yeelanayso. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Qabsashada Somaliland Ee Saax-dheer iyo Saamaynta Ay Somaliland Ku Yeelanayso.
August 29, 2014 - Written by Wariye:

faysal cali warabeHargeysa(WJN):-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Dagaalka Saax-dheer Somaliland kula wareegtay ahaa mid dantu ka fursan wayday Somaliland, islamarkaana aanay suuro gal ahayn in Shirar aan Somaliland dan u ahayn lagu qabto Gudaheeda.

Gudoomiye Faysal Waxa uu ugu horayn Tacsiyeeyay cid kasta oo Dagaalkaasi wax ku noqotay isagoo tilmaamay inuu ka xun yahay dhacdadaasi “Markii meeshii Bahalo galeen noqotay, markii saddex diyaaradood oo qaarkood hubsidaan yimaadeen Buuhoodle oo Somalia ka yimaadeen, waxaanu u aragnay in Jiritaanka Somaliland iyo nabad galyadeeda ay meeshaasi khatar ku tahay.markaa waddan walba waxa uu xaq u leeyahay inuu ilaaliyo wada jirta dalkiisa iyo nabad galyada. Markaa waxay noqotay lama huraan laakiin waan ka xumahay inay arintaasi dhacdo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe Oo VOA-da uga waramayay Arinta Saax-dheer.

Eng Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay in Baaq ka soo baxay Wakiilada Midawga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka oo ku aadan in Dhulkaasi laga saaro Ciidanka Somaliland wax u dhimayo Xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka waxa uu ku jawaabay.

“Horta Anaga waxba nama siiso Beesha Caalamku. Waddankayagu wuu Burburay, anagaa Gacmahayaga ku samaysanay Nabad galyada, haddii ay Somalia Natiijo ka laadahay anaga Beesha Caalamku waxba nama siiso.markaa xaqna nooguma leh inay noogu hanjabaan meel aanay waxba ku darsanin, waana Arin daakhili ah oo nagaa dhamaysanayna. Haddii dawladduhu Ogolaadeen In dal laga dhex sameeyo Maamul, taasi Macquul noqon mayso in Somaliland laga dhex sameeyo wax Khaatumo State la yidhaahd Caqligana ma galayso”

Hogaamiyaha Xisbiga Ucid waxa uu sheegay inaanay suuro gal ahayn in Somaliland lagu celiyo halka Wakhtigan Somalia joogto, halkii ay ahayd in Somalia la keeno meesha Somaliland marayso. Waxa uu sheegay inaan xalka iyo horumar laga gaadho amaanku aanay ku jirin Gacmaha Dawladdaha Ingiriiska iyo Maraykanka balse ay ku jirto Gacmaha Soomaalida.

Eng Faysal oo la waydiiyay in Bulshada degaanka iyo Somaliland ku kala fogaan karaan Dagaalka degaanka waxa uu ku jawaabay “horta dadka halkaasi degani waa dad reer Somaliland ah, waa dad aan Maamul gaadhin oo aanu hadda doonayno in Maamulka la gaadhsiiyo oo Iskuulo loo dhiso oo Caafimaad la gaadhsiiyo laakiin, waxay Calaamatul Su’aal saaran tahay Ninka Xamar intuu ka yimid leh waxaan samaynayaa Maamul aan suurto gal ahayn oo aan caqliga galayn oo ah uun fidno”

Ciidanka Somaliland ayaa si Buuxda gacanta ugu dhigay degaanka Saax-dheer ka dib dagaal wakhti kooban qaatay, waxayna Cali Khaliif oo dad uu inay bokhraan u soo kaxaystay u baxsadeen Dhinaca Itoobiya.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS