Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Oo Ka Xog-waramay Halka Uu Maraayo Abaabulka Shirka Dhalinyarada Belaha Habar Magaado ; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Oo Ka Xog-waramay Halka Uu Maraayo Abaabulka Shirka Dhalinyarada Belaha Habar Magaado ;
August 10, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)- Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi Cawale ayaa ka Xog-waramay halka uu maraayo Abaabulka shirka Dhalinyarada Beelaha Habar Magaado iyo socdaal ku aadan Abaabulkaas oo ay ugu baxayaan Gobolada Bariga ee dalka

dd(1)

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi Cawale oo goor dhawayd Warbaahinta kula hadlaayey Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ugu horeyn ka warbixiyey halka uu u maraayo abaabulka shirka dhalinyarada Beelaha Habar Magaado oo uu xusay inuu yahay shir ay aayahooda kaga tashanayaan dhalinyarada kazoo jeeda beelaha Magaado isagoo isla markaana ka warbixiyey Safar ay dhawaan ugu baxeen qaar kamida Gobolada Bari ee dalka oo ay kazoo sameeyeen Gudidii Dhalinyarada Beelaha Magaado oo hada ka hawl-gala Gobolka Togdheer .

Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi Cawale waxa uu sidoo kale madasha kaga dhawaaqay in ayaamaha soo socda ay hogaanka Gudidooda Qabanqaabada Shirku Safar Shaqo ugu bixidoonaan Gobolada bari ilaa Gobolka Sanaag oo ay safarkooda kusoo afjari doonaan

Gudoomiye Deeq oo arimahaas ka hadlaaya ayaa waxa hadaladiisii ka mida ahaa” Waxan maanta halkan iskugu kiin yeedhay inaan idiinka xog waramo halka uu maraayo abaabulka iyo qabanqaabada shirkii aayo ka tashiga Dhalinyarada beesha Magaado ,Sidoo kale waxanu dhawaan safar shaqo ku tagnay oo arintraaas la xidhiidha gobolada bagi ee Saaxil iyo Togdheer kuwaas oo aanu kazoo hirgalinay Gudiyadii matali lahaa Gudidan ee ka abaabuli lahaa Gobboladaasi oo hawshoodii si wacan uga wada goboladaasi”

Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyey Safar ay dhawaan ugu baxayaan gobolada Bariga Dalka isagoo arimahaasi ka waramaayana waxa uu yidhi “ shan cisho ka dib waxanu safarkii gunta iyo gabagabada ahaa ee hawlaha abaabulka shirka dhalinyarada Magaado ugu baxaynaa Gobolada Bariga dhaw iyo bariga fog ee dalka kaasoo aanu kusoo gabogabayn doono Gobolka Sanaag”

Ugu Danbayntii Gudoomiyaha Gudida Dhalinyarada Ee Beelaha Garxajis Deeq C/laahi waxa uu ku wargaliyey Xubnaha Ururka Dhalinyarada Beelaha Garxajis ee daalo Shir balaadhan oo dardaaran ah oo ayaamaha soo socda ay kusii qaban doonaan Caasimada Hargeysa

COMMENTS
LINKS