Guddoomiyaha Xusbiga Waddani oo Xukumada ku Canaantay in ay ka Gaabisay in Waddamada Reer Galbeedka ka dhaadhiciso in Saax-dheer Somaliland tahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xusbiga Waddani oo Xukumada ku Canaantay in ay ka Gaabisay in Waddamada Reer Galbeedka ka dhaadhiciso in Saax-dheer Somaliland tahay.
August 31, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Ayaa Xukumada ku Canaantay in ay ka Gaabisay in ay Beesha Caalamka u sheegto in Somaliland Dhulkeedii ay ku sugan tahay, Saax-dheerna tahay Dhul Somaliland, waxanu xusay in Farriimihii Cadawga Somaliland Dirayeen ay ka dheereyen kuwii Somaliland, isaga Hoosta ka Xariiqay in Xukumadu kaga Baxday Xisbiyada Mucaaridka Balantii hore ee ahayd in Beesha Caalamka Si wadda Jir ah ula hadlidoonan markii Somaliland loogu baaqay in ay Taleex ka baxdo.

Waxanu yidhi. “Saax-dheer iyo Gobolka Sool iyo shacabkiisuba waxay ka mid yihiin Somaliland, ka mid ahaanshaha Dhuleed, Qaranimada Somaliland in la Difaaco waa Waajib inna Saaran, Ciidanka Qaranka Somaliland wuxu u xilsaaran yahay in uu difaaco Xududaha iyo Qaranimada Somaliland waanan ku Hambalyeynaynaa, runtii Masuuliyad ayaa ka saran Xukumada Somaliland iyo Masuuliyiinteedaba in ay sugto shacabka Halka Degen Amankiisa oo ay illaaliyan, Bulshada Caalamkuna way ogtahay Xududaha Somaliland iyo Taariikhdeedaba beesha Calamkan xidhiidh fiican ayaa inaga dhexeya, dhinca Farriimaha Dublamaasiyadeed ee ka soo baxay dawlada Caalamka in ay xukumadu ka jawaabto iyada masuuliyad leh, in ay Meesha waxa ka taagan sharax fiican ka bixiyana dawlada iyo Wasaarada Arrimaha Dibada ayaanu u deynaynaa.”

Mar la waydiiyey in Labbada Xisbi Mucaarid ee Somaliland ay muddo dheer ku doodayeen in komishanka Doorashooyinka Labbada Xisbi mucaarid iyo Xisbiga Xukumadu min Saddex Xubnood ku yeeshan Komishanka oo “ Kamanan Laaban, laakiin sharcigu illaa hadda 7 Xubnood ayuu sheegayaa, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland, marku guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Kulmiye ahaa wuxu ku doodi jiray in Komishanka Sagaal Xubnood lagga dhigo, anaguna tii uunbanu taaganahayo waxanu leenahay si cadaalad loo hello sinaana ay u hellaan Axsaabtu Sagaalka Xubnood ayey ku wanaagsan tahay, laakiin haaddii madaxweynuhu ku Adkaysto in ay Todobadii Xubnood uu komishanku ahaado, intii aanu ku leenahay ayaanu gudbindoonaa.”Ayuu yidhi

Waxa kale oo la Waydiiyey sababta ay dawladaha Reer Galbeedku Somaliland oo dhulkeedii joogta u cambaareynayaan ee ay leeyihiin ka Bax, iyada oo aan wakhtigii Xukumadii hore ay gashay Las-caanod aanay cidi cambareyn jirin.

Waxa uu yidhi. “Anigu waxan isleeyahay Somaliland Fariimihii loo bahna ee arrintaasi ku sabsanaan saani inoogamay wadda bixin, waxa lagga yaabba in Fariimihii ay dirayeen Dadka Somaliland cadawga ku ahi in ay bateen farriimihii ay Dawladu Diraysay, Maalintii hore ee Taleex ka bax la yidhi Madaxweynuhu wuu noo yeedhay, in lagga wadatashado arrintaasi oo Axsaabta iyo Xukumadu iyaga oo wadda jirra beesha caalamka u tagaan, taana Xukumad aka baxday, Xukumadu haaddii ay hawshaasi ku filan tahay waanu ku hambalyeynaynaa, maalintaasiba waxanu ku nidhi haaddii aydaan ku filnayn diyaar baanu u nahay in aanu garab idin siino.”Ayuu yidhi

COMMENTS
LINKS