Guddida Dhaqaalaha ee G,wakiilada iyo Wasiirka Maaliyadda Kulan La Yeeshay iyo Samaale Oo Sheegay In Odoroska Miisaaniyadda 2015-ka Lagu Daray Kharashka Doorashooyinka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Dhaqaalaha ee G,wakiilada iyo Wasiirka Maaliyadda Kulan La Yeeshay iyo Samaale Oo Sheegay In Odoroska Miisaaniyadda 2015-ka Lagu Daray Kharashka Doorashooyinka.
August 12, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Gudi hoosadka Dhaqaalaha ee Golaha wakiilada iyo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa kulan ka yeeshay Odoroska Miisaaniyadda 2015-ka oo Wasiirku sheegay in lagu daray labada Diwaan galinood iyo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada.

Kulan saacado qaatay oo Xarunta Wakiilada ku dhex maray labada dhinac waxaa warbaahinta u sharaxay Gudoomiyaha Guddida dhaqaalaha iyo Wasiirka Maaliyada, kuwaasi oo sheegay in mudnaanta sanadkan ee Miisaaniyaddu tahay Doorashooyinka.

Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Xildhibaan CumarAxmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) , ayaa sheegay in Qodobka ugu muhiimsan ee Qorshaha Miisaaniyada ku jiraa yahay doorashooyinka sanadka dambe.

“Waxa Muhiimka ah ee Wasiirku noo sheegay inay Miisaaniyadda ku jirtaa waxa weeye Lacagtii Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Wakiilada iyo Diwaan galinta Codbixiyeyaasha iyo tii Diwaan galinta Muwaadinka intaba, intaasiba inay Miisaaniyadda sanadkan 2015-ka ku jirto waa warwanaagsan oo aanu Doonayno inaanu Umadda u sheegno, Anaguna waxaanu ku dadaalaynaa inaanay Habsaamin Doorashooyinka 2015-ka, Waayo? Hadal badan baa ka jira, laakiin Masuuliyadda naga saaran waxa weeye inaanu Lacagta Miisaaniyaddana Ansixino, Shuruucdeedana Ansixino labadiina Miiskay saaran yihiin” Ayuu yidhi XIldhibaanku

Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna sheegay Inay Odoroska Miisaaniyadda sanadkan ku dareen Lacagta kaga soo hagaagtay Qabsoomida Doorashada sanadka 2015ka, Waxa uu sheegay in Miisaaniyaddu tahay sanadka dambe mid doorasho.

“Guddida dhaqaalaha Waxaanu runtii ka wada hadlay Odoroska Miisaaniyadda 2015-ka iyo Mudnaanta Wasaaradda Maaliyadda ee Kharashka Miisaaniyadda 2015-ka, oo ah Arinta Mudnaanta 1-aad leh ee Kharashkaasi inay tahay Inaanu ku daray Diwaan galinta Codbixiyeyaasha oo ay soo gudbiyeen Komishanka Doorashooyinku oo ay ku qiimeeyeen Lacagta Dawladda laga rabo 3 Milyan OO Dollar, saddexdaa Milyana aanu galinay Miisaaniyadda 2015-ka. Sidoo kalena labada doorasho ee Madaxweynaha iyo Wakiilada oo ku mudaysan 2015-ka ayaanu Kharashkii Guddida Doorashooyinku noo soo gudbiyeen sidoodii u galinay” Ayuu yidhi Wasiir Samaale.

Wasiir Samaale waxa uu sidoo kale sheegay inay Guud ahaan guddida isla falanqeeyeen Miisaaniyadda Sanadkan iyo meelaha muhiimada la saarayo ee loo qorsheeyay.

Xisbiyadda Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ka walaacsan Qabsoomida doorashada badhtamaha sanadka dambe la filayo inay dalka ka dhacdo, inkasta oo Xukumadda iyo xisbigeedu sheegayaan inay ka go’an tahay qabsoomida doorashada

COMMENTS
LINKS