GOLAHII WAKIILADU MA DILAALINTA CASHUURAHA AYAY NOQDEEN;Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GOLAHII WAKIILADU MA DILAALINTA CASHUURAHA AYAY NOQDEEN;Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf
August 20, 2014 - Written by Editor:

Waxaa laga jooga 2 Sanadoo oo ahayd Jan, 2013 Markii golaha wakiiladu ansixiyay Cashuurta laga qaado dadka ka dhoofaaya ama ka soo dagaaya madaaradda somaliland taas oo ay qaado wasaarada duulista iyo hawada somaliland waxaa maalmahan soo baxaayay oo saxaafada somaliland ku jiray qoraalo iyo hadalo ay xildhibaano ka tirsan golihii ay ka soo ansaxday lacagtan $10ka Dollar ee wasaaradu qaado ee ah takaalifta madaarada, hadiiba aanay ahayn xildhibaanadani kuwii ucodeeyay jidaynta lacagtan oo ka ansaxday golaha wakiilada somaliland oo ah golaha leh awooda ogolaanshaha kordhinta jidaynta iyo xalaalaynta qaadista lacagaha loo qoondeeyo cashuur qaran sida ku cad dastuurka somaliland,

Hadaba ma waxaa jira damac iyo doonis kale oo xildhibaanadan iyo wasiirku ay isku hayaan mise waxaa muuqata masuuliyad uu leeyahay golaha ay ka tirsan yihiin labada xildhibaan oo wasiirku maroorsaday.

markay jirto damac shaqsi mooyi, Balse tan cashuurta ee ay ka hadlayaan labada Xildhibaan waa mid golaha ka soo ansaxday.

Hadii ay qalad tahay maalintii ay hortiina taalay ayay idin joogtay oo diidisteeda iyo ogolaanshaheeda aydin lahaydeen ee maanta oo laba sanadood laqaadayay ee lagu daray xeerka takaalifta iyo horumarinta madaarada ee dhaqangalka ah.

maxaa hadalkeeda keenay miyaanay dilaalistiinu meelna ka maqnaanayn.

 

 

COMMENTS
LINKS