|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiradadii Ugu Badnayd Ee Xildhibaanada Oo Codkooda Siin Waayey Wasiir Cali Xaamud.
August 30, 2014 - Written by Wariye:Hargyasa(WJN:-golaha wakiilada somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey wasiirka wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo technolog-yada. Fadhiga maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka soo xaadiray 45 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay. Ka dib markii xoghayaha golaha wakiilada somaliland uu mudanayaasha golaha wakiilada u akhriyey CV-ga wasiirkaas ayaa gudoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa u xildhibaanada u soo jeediyey inay u codeeyaan wasiirka. Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa cod u qaaday ansixinta wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo Technolog-yada waxaana ogolaaday 19 xildhibaan, waxaana diiday 5 waxaana ka aamusay 20 mudane halka aanu codayn gudoomiye Baashe Maxamed Faarax. Si kastaba ha ahaatee ansaxinta mudanayaasha golaha wakiiladu ay ansaxinayeen wasiirka wasaarada xidhiidhka golayaasha iyo tignoolajiyada ayaa u muuqatay mid ay ka biyo diidanayeen xildhibaanadu . HARGAYSA OFFICE Related posts:Somaliland Xataa Kuwa U Baahan In Muddo Kooban Lagula Tacaalo Cisbatalada, Ayay Suurogal Tahay In Aa... DAAWO;Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Iyo Ganacsiga Oo Maanta Hargaysa Lagu soo Dhaweeyay Muxuuse... Wasaaradda Qorshaynta Iyo Baanka Aduunka Oo Shir Dhaqaalaha Somaliland Lagu Falanqaynayaa Hargeysa U... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|