Geediga Siyaasiyiinta Guurguuraa Ma Gasiin Doonbaa? By-Ali Kabadhe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Geediga Siyaasiyiinta Guurguuraa Ma Gasiin Doonbaa? By-Ali Kabadhe
August 14, 2014 - Written by Editor:

Tan iyo markii ay burburtay Dowladii dulmiga ku dhisnayd ee la odhan Somalia, sidoo kalena ay Jamhuuriyada Somaliland xoriyadeedii dib ugala soo noqotay xabaalihii Xamar   waxaa la kala bartay dadka iyagu siyaasiyiinta sheegta ee isku magacaabay in ay yihiin hormuudka ummada Somaliland, waxaa la kala ogaadey mabda’ooda siyaasiga ah iyo mowqafkooda ku dhisan dhadhamo ama wadaniyad, waxaa kala caddaatay Siyaasiga cuntada iyo calaaliska ku siyaasiga ah iyo Siyaasiga caqliyan iyo cilmiyan ku siyaasi ah. Waxaa soo if-baxay siyaasiyiin dantooda iyo dalqadooda u laba diblaysan oo dareenkoodu yahay ”ama raamsaday ama reerka rarray”! Inkastoo siyaasiyiinta qoomiyada Somalidu intooda badani isku aragti dhow yihiin hadana waxay ku kala duwan yihiin hal-adag Siyaasadeed iyo hunguri raaca siyaasadeed.

Hadaba waxay ka kooban yihiin kooxahaas sidda girraanta u wareegaa dhowr qaybood oo kala ah; siyaasi marka xilka laga qaado halka uu xil kale ka quudaraynayo u tahriiba iyo Siyaasi xil la’aan iyo magaabis la’aan ka tahriibay waxaa kale oo jira Siyaasiyiin qaweday xilkii ay Somaliland ka hayeen kadibna intay iska casileen u dhukusay dhinacii ay islahaayeen wuu kaaga dhadhamo iyo dhameel badan yahay, inkastoo aannay badnayn. Arragtidaas tabanni waa mid u gaar ah inta aan kor ku soo xusey ee xaalkoodu yahay xil iyo xoolo raadis.

”Addiguna garaad laay noqotaye geddeedii

Hasha labada geel jecel midna gaadhi waydoo

laba gebi dhexdood baa waraabuhu ku gowracay”

Geediga siyaasiyiinta guurguuraa wuxuu soo bilaabmay 1993 markii laga soo baxay shirkii dhidibada loogu adkaynayey jiritaanka iyo Qarannimada Somaliland. Siyaasiyiintii ugu horeeyey ee geediga maroora meesha leexsan murraaradilaacii xil waagu kala dhacay, waxaa ka mid ahaa AHUN Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur) Wuxuu ahaa Gudoomiyihii SNM ee Xilka kala wareegay Axmed Siilaanyo, wuxuu ahaa gudoomiyihii nasiibka u helay in dalka la xoreeyo isagoo Gudoomiyihii SNM ah, wuxuu ahaa Madaxwaynihii markii JSL lagu dhawaaqay hogaanka u qabtay. Marxuum Muj Cabdiraxmaan Tuur, Shirkii BOORAME ee Madaxwaynenimada loogu doortay AHUN Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal markii uu xilka wareejiyey mudo yar ka dib isaga iyo Mudane Prof Ismaciil Hure (Buubaa) oo ahaa Wasiir ka tirsannaa xukuumadii Marxuum Tuur, waxay u dhoofeen Dalka Ethiopia Magaalada Addis ababa waxay kaga dhawaaqeen in aanay jirin wax Somaliland la yidhaaho oo ka madaxbanaan Somalia inteeda kale. Ujeedadoodu waxay ahayd Xamar dib ugu noqda oo xil ka doonta maadaama Xilkii Somaliland laydinka wareejiyey. Maalmo kadibna waxay ka deggeen Xamar iyo Xabaalihii shacabka Somaliland ee Xeebta Jaziira. Ilaa maalintaas iyo illaa shalay oo Xaabsade markii labaad u xaabsi tegay Puntland oo iyaduba teedii u liitada sheekadu waa sii soco soo soco. Shaqsiyaadka kale ee Xamar u tahriibay hadana ka soo tariibay badhna weli ku laalan yihiin waxaan ka xusi karaa Prof Maxamud Jaamac (Sifir), Ilko Xanaf, Jaamac Oday oo isagu iska Casilay Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland, Foosiya Yusuf Xaaji Adan oo Madaxtinimada Somaliland u tartantay, inkastoo ay Somaliana u dhaxday.   Maxamed Cabdilaahi Oomaar, Cabdala Boos, Cismaan Kaluun, Iyo qaar badan oo kale oo dhammaantood dhadhamo raac Siyaasadeed laba canlayn iyo laba gardaaq caan ku ah waxaa mabda’oodu u wareegaa sidda marawaxada go’aankooda iyo guushoodu waxay ku xidhan tahay meesha ay xil ka helayaan.   Inta ay xilka hayaan waxay u hadlaan si ka xoog iyo xamaasad badan sida dadka muwaadiniinta ahi u hadlaan.

Hadaba su’aalaha u baahan in shacabka Somaliland is waydiiyaan waxay yihiin dadkaas mowqifkooda iyo macnahooduba yahay manfac iyo mansab siyaasadeed dalkeena iyo dadkeena ma meteli karaan? Beri ama saadanbe markay soo noqdaan hadana siyaasiyiintii reer hebel ma noqon doonnaan? Goormaa shacabkeenu ka ilbixi doonnaaa sidoo kalena takoori doonnaa? Maxay tahay sababta xil loogu dhiibto kuwa sumadoodu siddaa tahay?

FG: Gobollada Somaliland dhan ayay ka soo jeedaan dadka sumadan iyo sowracan lihi siddaa darteed looma nisbayn karo cid gaara.

Cali Kayse Kabadhe

Amsterdam/Netherlands

calikayse@live.com

COMMENTS
LINKS