Dowladda Soomaaliya oo QM u dirtay Dacwad ku Saabsan Xuduudaha Badda Oo dhan ah Dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya oo QM u dirtay Dacwad ku Saabsan Xuduudaha Badda Oo dhan ah Dalka Kenya
August 29, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS — Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay dacwad la xidhiidha muranka badda ee kala dhexeeya Kenya, si loo ogaado xadka badda ee uu dal walba leeyahay.

SOMALIYA KENYA

Dacwaddan ayay dowladdu gudbisay shalay oo Khamiis ahayd, waxayna ku tilmameen mas’uuliyiinta dowladda caalamku aqoonsan yahay in tani ay ka mid tahay qorshayaal ay ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan xuduudihii badda ee ay Soomaaliya lahayd.

Soomaaliya iyo Kenya aya dhowr jeer ka hadlay muranka xuduudaha badda ee u dhexeeya, iyadoo lagu guul-darreystay dadaallo caalami ah oo labada dal lagu dhexdhexaadin lahaa.

Kenya oo ay ciidammo ka joogaan Somalia ayaa la sheegayaa inay dooneyso in iyaduna ay gacanta ku dhigto dhul badeed dhirirkiisu gaarayo 100-km oo isku wareeg ah, kasoo la sheegayo inuu qani ku yahay gaaska iyo saliidda.

Waraka ayaa tilmaamaya in Kenya ay qandaraasyo siisay shirkado caalami ah oo gaas iyo saliid ka baara goobahaas, inkastoo ay jirto hubaal la’aan ah cidda leh dhulka uu muranka ka taaganyahay.

Warbixin ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay maxkamadda inay go’aan ka gaarto arrinta ku saabsan muranka badda.

Sidoo kale, warbixinta maxkamadda ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inay labada dal aqoonsan yihiin awooda maxkamadda, waxayna intaas ku sii dartay in Soomaaliya ay sheegtay in lagu guul-dareystay in qaab siyaasi ah lagu xaliyo muran badeedkan.

Dhanka kale, Somalia ayaa doonaysa in marka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya la dhameeyo, lana simo xadka dhulka iyo kuwa badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Dacwadaha la xidhiidha muranka badda ee la horgeynayo maxkamaddan ayaa in go’aan laga gaaro waxay qaadan karaa muddo sannado ah.

 

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS